MUQDISHO (HN) – Fuulitaanka Derbiga dhagaxa ee Dugsiga Dhexe ee Ershui oo dhererkiisu la’eg yahay dhisme shan dabaq ah, wuxuu u muuqdaa mid cabsi-gelinaya dadka waaweyn badankood. Hase yeeshee, ardayda da’da yar ee dugsigan dhigata waa inay bartaan sida loo fuulo haddii ay doonayaan in shahaadadooda qalin-jabinta loo saxiixo.
Ardaydan, si kastaba, uma arkaan wax laga baqo. Waxay aad u jecel yihiin fuulitaanka dhagaxa: qaar kamid ahna xitaa waxay waalidkood la wadaagaan hiwaayaddan oo ay isla fuulaan xilliyada firaaqada.
Fuulitaanka derbigu ma ahan oo kaliya bandhig iyo madadaalo. Toddobaad kasta, ardaygu waa inuu lix jeer koraa derbigan dhererkiisu yahay 15 mitir. Habkan cajiibka ah ee ardayda ku qasbaya inay fuulaan derbigan dheer ujeedkiisu waa inay ku bartaan adkeysiga, kalsoonida nafta iyo jirdhis dhisan oo caafimaad leh.
