HomeLa-yaabkaShaqo la'aan darteed wuxuu go'aansaday inuu xabsi galo si uu u noolaado!

Shaqo la’aan darteed wuxuu go’aansaday inuu xabsi galo si uu u noolaado!

MUQDISHO (HN) – Sheekadani waxay ka hadlaysaa nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Oleg oo kasoo jeeda Jamhuuriyadda Bashkortostan oo si ula kac ah iskugu dayay in la xiro si uu u helo hoy iyo cunto.

Mar walba oo aad ka fikirto ereyga xabsi, durba waxaa kuu sawirmaya qolal yaryar oo ay ku jiraan dad jeebadaysan oo kugu eegaya fiiro aan farxadi ku dheehneyn, askari foojigan iyo budkiisa oo gaaf-wareegaya dhexdiisa. Hayeeshe, taasi ma ahan wixii uu sawin karay da’yarkan shaqo la’aantu ku dhacday.

Oleg wuxuu ka qalin-beddeshay dugsiga sare, wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyay ciidamada. Markii dambe wuxuu shaqo ka raadsaday magaalada Ufa, balse wuu waayay!

Mana uusan haysan meel uu dego iyo lacag uu isku quudiyo. Waana markii uu gaaray mid kamid ah go’aannada ugu cabsida badan dunida. Kolkii uu dareemay inay kasoo wada xirmeen dariiqyadii nolosha oo dhan, wuxuu qaaday dariiq qura oo uu istusay inuu u haray. Mana ahan mid kale – waa xabsiga.

Si xabsiga loogu tuuro, wuxuu galay dhismo kadibna wuxuu kor ugu sheegay dadkii joogay gudaha hoteelka inuu boorsadiisa ku sito bambo. Cidna ma aysan rumaysan markii hore. Balse taasi ma niyadjebin. Markii uu ku fashilmay tijaabadiisa koowaad, wuxuuna haddana aaday garoonka diyaaradaha ee Ufa halkaas oo uu mar kale ku qeyliyay inuu bambo sito.

Qeyladiisan dambe kuma qasaarin. Wuxuuna ugu yaraan kusoo jiitay dareenka laamaha amniga. Booliska ayaa durba qabtay kadibna ku sameeyey baaritaan. Balse wax caddaynaya inuu sito bambo ama lafteeda lagama helin.

Sababta uu u sameeyey!

Oleg wuxuu qirtay inuu si ula kac ah u sheegay been si loo xiro, maadaama uusan heysan meel uu ku noolaado ama cunto uu helo. Si kastaba, maxkamadda ayaa ku xukuntay saddex sannadood iyo labo bilood oo xarig ah oo ah in lagu heyn doono xero ciqaabeed.

Maxkamaddu waxay sheegtay in in kasta oo warku been ahaa uu misana sababi karay argagax, cabsi iyo halis amni.

Sheekadani waxay muujinaysaa heerka quusta oo uu qofku gaari karo marka uu waayo shaqo, hoy iyo taageero nololeed.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments