crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caro laga muujiyay Boorar Islaam-naceyb ah oo la suray Gobalka Georgia. | HimiloNetwork

Caro laga muujiyay Boorar Islaam-naceyb ah oo la suray Gobalka Georgia.

GEORGIA (HN) — Boor Islaamka naceyb ku saleysan oo lagu dhejiyay fagaare u dhow Jaamacadda Georgia State University ayaa baraha bulshada ka dhaliyay doodo kulul kaas oo loo arkay mid lagu bartilmaansanayo tira-yarta Muslimiinta ah ee ku nool gobalka.

Boor waxaa ku qoran qoraal ah “Alle-diid, cabsi la’aan, Muslim riddoobay.” Waxaa sannadkii hore dhammaadkiisii la suray Atlanta, Chicago iyo Houston, marka loo eego koox fadhigeedu yahay Virginia.

Guddiga Muslimiinta Maraykanka laantiisa Georgia ayaa sheegay inay fal-celin togan kaga hortagayaan tallaabada naceybka leh ee looga soo horjeedo Muslimiinta.

Georgia waxaa ku nool tirada ugu badan Muslimiinta Maraykanka, waxaana ku yaal ku dhawaad 70 Masaajid. Taniyo sannadkii 2012-ka, ku dhawaad 22 weerar oo Islaam naceyb ah ayaa lagula kacay Muslimiinta ku nool gobalka, marka loo eego New to America.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!