HomeDunida MuslimkaRonaldo oo taageere naafo ah u rumeeyey riyadiisa.

Ronaldo oo taageere naafo ah u rumeeyey riyadiisa.

DUBAI (HN) — Ali Amir oo ah wiil naafo ah waxaa ugu danbeyntii u rumowday riyadiisa aheyd inuu kubad la baasto laacibka Christiano Ronaldo.

Taas waxay suura-gashay xilli laacibkani uu safar dalxiis ku joogo dalka Imaaraadka Carabta oo ay isku arkeen wiilkan naafada ah lixaadka.

Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay: “Waxay ii tahay farxad weyn iyo dhiirri-gelin inaan kula kulmo Ali Amir.”

In ka badan 25 milyan oo qof ayaa daawaday muuqaalka; halka kumaan kale ay ka aragti dhiibteen. Farriimaha ayaa u badnaa bogaadin iyo dhiirri-gelin.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments