crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ronaldo oo taageere naafo ah u rumeeyey riyadiisa. | HimiloNetwork

Ronaldo oo taageere naafo ah u rumeeyey riyadiisa.

DUBAI (HN) — Ali Amir oo ah wiil naafo ah waxaa ugu danbeyntii u rumowday riyadiisa aheyd inuu kubad la baasto laacibka Christiano Ronaldo.

Taas waxay suura-gashay xilli laacibkani uu safar dalxiis ku joogo dalka Imaaraadka Carabta oo ay isku arkeen wiilkan naafada ah lixaadka.

Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay: “Waxay ii tahay farxad weyn iyo dhiirri-gelin inaan kula kulmo Ali Amir.”

In ka badan 25 milyan oo qof ayaa daawaday muuqaalka; halka kumaan kale ay ka aragti dhiibteen. Farriimaha ayaa u badnaa bogaadin iyo dhiirri-gelin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!