BEIJING (HN) — 46 jir ku dhawaad soddonkii sanno ee lasoo dhaafay aan qumaati isu taagin kaddib markii uu haleelay cudur xaalad dhif ah ku dhasha oo la yiraahdo ankylosing spondylitis (AS). Nasiib-wanaag hadda wuxuu awoodi karaa inuu sare joogsado maadaama uu maray qalliin lagu guuleystay.
Li Hua waxaa ku dhacay ankylosing spondylitis (AS) markii uu jiray 18 sanno; taniyo markaasna, xaaladdiisu way sii xumaaneysay. Qoyskiisa ku nool gobalka Hunan ee Shiinaha maanay awoodi karin inay ka bixiyaan qarash ay kula tacaalaan xaaladdiisa. Laakiin Tao Huiren oo ah borofeesar jaamacadeed ayaa ka war helay sheekadiisa. Waana bilowgii is-beddelka noloshiisa maanta uu ku sugan yahay.
In kasta oo borofeesar dr Tao uu qaliimada laf-dhabarta dhowr jeer ku sameeyey bukaanno badan, haddana weli muusan la kulmin xaalad kiiska Hua lamid ah.
Qaliinkiisa ayuu dhaqtarku sheegay inuu ilaa iyo hadda yahay mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee soo mara taariikhda isbitaalka Shenzhen University General Hospital, laakiin, si kastaba, wuxuu noqday mid lagu guuleystay.
Waxaase lagula taliyay inuusan ku dhaqaaqin howlo adag ama uusan meheradba ka dhigan sida inuu ciyaaro kubadaha laliska ama kolayga ama uu feeryahan noqdo. Hayeeshe, sida kale, waxaa loo sheegay inuu jirkiisa u dhaqaajin karo si caadi ah.
Ankylosing spondylitis waa xanuun ku dhaca laf-dhabarta kaas oo caabuqa ku dhaca unugyada ka dhiga kuwo sii dhamaada ilaa marka danbe jirku soo saaro calcium badan oo sababaya in lafo hor leh ay kasoo baxaan xittaa meelo aan loogu tala-gelin.
You must log in to post a comment.