crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qisada Gabadhii – iyada oo kabo la’aan ah – saddex Billad ku guuleysatay! | HimiloNetwork

Qisada Gabadhii – iyada oo kabo la’aan ah – saddex Billad ku guuleysatay!

MANILA (HN) — Rhea Ballos,  oo ah 11 jir dhigata Salvacion School ayaa soo jiidatay indhaha caalamka kaddib markii ay saddex billadood oo tartanka oroddada ah ku guuleysatay – iyada oo ku ordayda kabo la’aan.

Da’yartan ayaa maareysay inay kabo la’aan ku oroddo 400 mitir; 800 mitir; iyo 1500 mitir oo ay kaga dheereysay gabdhihii kula jiray tartanka – iyada oo ku cararaysa baandej ay ku duubduubtay cagaheeda.

Kabo la’aanta heysay kama horjoogsan inay noqoto qofkii ku guuleystay tartanka. Gabdhaha kale waxay geshanaayeen kabo. Sawirada laga soo qaaday inanta ayaa soo jiitay indhaha caalamka. Waxaana ay la kulantay amaan, bogaadin iyo abaal-gud.

Baraha bulshada oo sheekadeeda ay ugu baahday sida dab dabeylo eryanayaan ayaa lagu gorfeeyey naf-hurnimadeeda. Jeff Cariaso, oo ah cayaaryahan hore oo howlgab kubadda kolayga ah ayaa kamid ah dadka caanka ah ee inanta ku bogaadiyay halgankeeda. Waxaana uu balan-qaaday inuu agabka isboortiga ka caawinayo.

Ballos ma ahan gabadhii koowaad ee si nafhurnimo leh ugu guuleysata tartanka oroddada iyada oo kabo la’aan ah. Sanadkii 2017-ka, María Lorena Ramírez, oo u dhalatay dalka Mexico ayaa 50 km tartan ah kaga qeyb gashay iyada oo kabo la’aan ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!