crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2022 | HimiloNetwork

Monthly Archives: October 2022

Qadar oo furaysa Matxafka Keydka Geeddi-socodkii Muslimiinta.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo indhaha adduunweynaha ay kusii jeedaan dalka Qadar oo lagu qaban doono sannadkan koobka adduunka, waxaa dhawaan la daahfuray Matxafka Islaamiga ee Doha kaas oo ka qeyb noqon doona bandhigyada ay xiiseeyaasha kubadda cagta kala kulmi doonaan caasimadda Dooxa. “Waxaan nahay matxafka ugu weyn ee Islaamiga oo ku yaalla Bariga Dhexe,” ayuu agaasime Julia Gonnella, u sheegay ...

Read More »

Macmacaan iyo Ubaxyo: Xuska Dhalashadii Suubanaha NNKH ee UK.

MUQDISHO (HN) — Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Oldham ayaa – munaasabadda xuska dhalashada Suubanaha NNKH awgeed – macmacaan fudud iyo ubaxyo u qeybiyay bulshooyinka ay la nool yihiin. Munaasabadda waxaa soo agaasimay madrasadda Al-Quba waxaana ujeedku ahaa in sare loogu qaado wacyiga iyo fahamka noloshii qurxooneyd ee Suubanaheenna NNKH iyo farriinta Islaamka ee naxariista iyo badbaadada u ah aadanaha ifka ...

Read More »

Aadaanka Salaadaha oo codbaahiyaha loo adeegsan karo hadda kaddib gudaha Colonge.

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay taariikhda, Masjidka Dhexe ee magaalada Cologne waxaa codbaahiyaha looga dhawaaqay aadaanka salaadaha. “Tani waa tallaab muhiimad weyn inoogu fadhisa,” ayuu yiri Abdurrahman Atasoy, oo kamid ah saraakiisha gacanta ku heysa masjidka. “Hadda Muslimiintu waxay fahmi karaan in joogitaankooda Jarmalka uu yahay mid dhab ah – oo ay yihiin dad jira oo qeyb ka ah ...

Read More »

Ol’olaha ‘Nabigii Raxmadda’ oo ka socda Hindiya.

MUQDISHO (HN) — Suubanaha NNKH waa naxariis loo soo diray aadanaha ifka ku nool oo dhan. Maadaama lagu jiro bishii uu dhashay Suubanaha NNKH, ururro kala duwan oo Islaami ah ayaa magaalada Mumbai ka bilaabay ol’ole ay rabaan inay dadka aan Muslimiinta ahayn ku baraan noloshii qiimiga badneyd ee Suubanaha iyo Islaamka si ay uga falceliyaan fikradaha sirgaxan ee laga ...

Read More »

Madaxa Apple oo bogaadiyay Muslimad soo saartay app cusub.

MUQDISHO (HN) — 9 jir Muslimad ah oo ku nool Dubai ayaa soo jiidatay indhaha maareeyaha shirkadda Apple, Tim Cook kaddib markii ay soo saartay app-ka iOS. Waxay ku qortay in ka badan 10,000 oo line of code ah app-keeda. Hana Muhammad Rafeeq waxay app-keeda u dirtay Tim Cook oo ah madaxa fulinta Apple. Waxay dooneysay in waalidkeeda iyo dunidaba ay ...

Read More »

Tulis – Xaafadda 50% dadkeedu Youtube-leyda yihiin!

MUQDISHO (HN) — Xaafadda Tulsi oo ku taalla Chattisgarth waxay noqotay ubucda iyo barkulanka youtube-leyda. Badi dadka xaafaddan waxay sameeyaan muuqaallo ay ugu tala-galeen kanaallada iyo baraha ay ku leeyihiin Youtube-ka iyo dabcan facebook-ga iyo tiktooga. Waxay leeyihiin ku dhawaad 40 janaal oo Youtube ah kuwaas oo lasoo geliyo sheekooyinka iyo muuqaallada ay iska duubaan. Youtube-leyda qaarkood ayaa sameeya sheekooyin ...

Read More »

Khunzakh — Xaafadda ku taalla Qarka Buuraha + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Aad bay u cagaaran yihiin buuraha idin muuqda. Laakiin cidlo ma ahan. Dadka ku nool xaafadda Khunzakh ee ku taalla qarka buurahan waxay dhacdaa ismaamulka Degestan ee dalweynaha Ruushka. Waana meel kamid ah deegaannada ugu cabsida badan, hayeeshe haddana ugu neecawda iyo caafimaadka badan dunida. Buuraha aalaaba waxaa loo tagaa dalxiis iyo tamashle. Balse dadka ku nool ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!