crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Aadaanka Salaadaha oo codbaahiyaha loo adeegsan karo hadda kaddib gudaha Colonge. | HimiloNetwork

Aadaanka Salaadaha oo codbaahiyaha loo adeegsan karo hadda kaddib gudaha Colonge.

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay taariikhda, Masjidka Dhexe ee magaalada Cologne waxaa codbaahiyaha looga dhawaaqay aadaanka salaadaha.

“Tani waa tallaab muhiimad weyn inoogu fadhisa,” ayuu yiri Abdurrahman Atasoy, oo kamid ah saraakiisha gacanta ku heysa masjidka.

“Hadda Muslimiintu waxay fahmi karaan in joogitaankooda Jarmalka uu yahay mid dhab ah – oo ay yihiin dad jira oo qeyb ka ah dalnimada Jarmalka,” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay weji cusub iyo is barasho hor leh ay u abuurayso bulshada Jarmalka iyo Muslimiinta la nool.

35 Masaajid oo ku yaalla Cologne ayaa codbaahiyaha u adeegsan doona inay dadka ugu yeeraan aadaanka salaadaha.

Dalka Jarmalka waxaa ku yaalla in ka badan 900 oo masaajid. Waxaana badigood dhisay Muslimiin kasoo jeeda Turkiga.

Laakiin degmooyinka qaarkood oo ay ku badan yihiin Turkida Muslimiinta ah sida Gelsenkirchen iyo Düren waxay codbaahiyaha ku gudbin jireen aadaanka salaadaha taniyo sannadkii 1990.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!