crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Macmacaan iyo Ubaxyo: Xuska Dhalashadii Suubanaha NNKH ee UK. | HimiloNetwork

Macmacaan iyo Ubaxyo: Xuska Dhalashadii Suubanaha NNKH ee UK.

MUQDISHO (HN) — Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Oldham ayaa – munaasabadda xuska dhalashada Suubanaha NNKH awgeed – macmacaan fudud iyo ubaxyo u qeybiyay bulshooyinka ay la nool yihiin.

Munaasabadda waxaa soo agaasimay madrasadda Al-Quba waxaana ujeedku ahaa in sare loogu qaado wacyiga iyo fahamka noloshii qurxooneyd ee Suubanaheenna NNKH iyo farriinta Islaamka ee naxariista iyo badbaadada u ah aadanaha ifka ku nool qarni walba.

Waxaa sidoo kale looga gollahaa in looga hortago aqoondarrida dadka aan Muslimiinta ahayn ka heysta Islaamka.

“Waxaan dooneynaa in dadku ay nala hadlaan oo ay ina weydiiyaan wixii su’aalo ah oo ay ka qabaan Islaamka,” ayuu yiri Faysal Yaqoob, oo kamid ah al-Quba.

“Suubanaha waa jaceyl iyo samaan – aadanaha oo dhami u wada baahan yihiin.”

Munaasabaddan ayaa kamid ahayd ku dhawaad 40 kale oo lagu weynaynayay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH oo lagu qabtay UK.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!