crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2022 | HimiloNetwork

Monthly Archives: September 2022

Kupi Khop – Qaxwaha lagu cabo koob la afgembiyay + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kupi Khop waa nuuc qaxwaha kamid ah oo dadka koobka uu ku jiro lagu siiyo isaga oo foorara ama afkiisu uu xagga dhulka ujeedo. Dad badan waxay shaaha iyo qaxwaha jecel yihiin inay isaga oo diirran ay ku fiiqsadaan fiijaanka. Laakiin, dhaqankan yaabka leh ee ka jira Induniisiya, wuxuu dhigaya in koobka qaxwaha laguugu soo shubayo uu ...

Read More »

Sheekada Ninka Gacantiisa ‘sare u hayay’ muddo 10 sannadood ah.

MUQDISHO (HN) — Nin Hindi ayaa gacantiisa sare u taagayay muddo 10 sannadood – mana uusan dejin marnaba – sida lagu soo warramay. Mahant Radheypuri Juna Akhara, wuxuu ficilkan u sameynayay, sida la sheegay, si uu u sharfo sanamka uu caabudo ee Sadhu. Muuqaalkiisa ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada. Wuxuuna qabsaday hadalheynta. Wuxuu saxaafadda u sheegay inuu tallaabtan ku ...

Read More »

Haweeney sheegtay inaysan wax cunin muddo 40 sano ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Fiyadnam u dhalatay oo sheegtay inaysan wax cunno ah afkeeda marin muddo laga joogo 40 sannadood ayaa tilmaantay inay kaliya ku nooleyd biyo lagu qasay in yar oo sokor, liin iyo cusbo ah. Ms. Ngon oo 63 jir ah waxay hadalheynta dalkeeda ku qabsatay dhaqankeeda gaarka ah. 41 kii sannadood ee lasoo dhaafay macunin wax raashiin ...

Read More »

Haweeney ku xayirantay suuli muddo saddex maalmood ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 54 jir ah oo ku nool Thailand ayaa si aanay ku tala-gelin iskugu xirtay albaabka musqusha qubeyska. Waxayna ku qaadatay muddo saddex maalmood inay uga soo baxdo kadib markii loo soo gurmaday! Muddadii ay ku jirtay suuliga, haweeneydan ayaa lagu soo warramayaa inay ku ‘samatabaxday’ biyaha tubada oo ay cabi jirtay. Waxay markii hore ku qeylisay ...

Read More »

Ninka leh ‘Gacmaha Buruska’ oo wax kasta ku jejebiya!

MUQDISHO (HN) — Muhamed Kahrimanovic oo ku nool dalka Jarmalka, waxaa loo yaqaan ninka leh ‘gacmaha buruska’. Wuxuu leeyahay awoodda ama xoogga uu ku jejebin karo laga bilaabo qumbaha ilaa ulaha adag sida bakooradaha. Wuxuu asal ahaan kasoo jeeda dalka Bosnia, wuxuuna markii uu da’yar ahaa usoo wareegay Jarmalka isaga oo qoyskiisa wehlinaya. Wuxuu baran jiray cayaarta la yiraahdo taekwondo ilaa ...

Read More »

Hooyo gacmo maran kula dagaalantay Shabeel ka dhifsaday cunugeeda oo sannad jir ah

MUQDISHO (HN) — Haweeney 25 jir ah oo ku nool Madhya Pradesh, dalka Hindiya ayaa loo aqoonsaday halyeeyad kaddib markii sida lagu soo warramay ay labadeeda gacmood oo kaliya kula dagaalantay shabeel doonayay inuu dhifsado cunugeeda si uu u cuno. Waxay yiraahdeen jaceylka hooyada ay ilmaheeda u qabto majiro wax lala simi karo. Waana Archana Choudhary oo ah hooyo ku ...

Read More »

Sababta maareeye shirkad uu ku diido codsadaha wata nambar tirooyinkiisu kamid yahay ‘shan’!

MUQDISHO (HN) — Maareeye shirkad oo aaminsan quraafaadka ayaa codsade walba oo nambarada telefoonkiisa uu ku jiro nambarka shan ‘5’ u diida inuu shaqaaleysiiyo xattaa haddii codsadahaasu uu wada buuxiyo shuruudihii looga bahnaa. Waayo wuxuu tirada shan u tixgeliyaa mid tilmaamaysa ayaandarro ama nasiibxumo. Codsade walba oo weli quudarreynaya inuu kamid noqdo shaqaalaha shirkadda – kaas oo shuruudihii hore oo ...

Read More »

Sida shaqaalaha Shiinaha loogu dhibo Adeegsiga Musqulaha ama Suuliyada

MUQDISHO (HN) — Shiinaha waxaa ka jira dhaqamo lala yaabo oo la xiriira hab la-dhaqanka qalafsan ee shaqaalaha oo lagu kormeero goobahooda shaqada siiba musqulaha ama kortagyada. Laakiin waxaa kasii yaab iyo edebdarro badan marka aad maqashid in xattaa kusoo xaajo gudashada suuliga ama musqusha laguu xisaabiyo. Hadda maxay yihiin dhaqamada la-yaabka leh ee shaqaalaha shirkadaha lagu korjoogteeyo marka ay ...

Read More »

Rikoor cusub: Nin gadaal-gadaal ugu waday gaarigiisa 16 kilomitir muddo ka yar 30 daqiiqo.

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool gobalka Tamil Nadu, dalka Hindiya ayaa rikoor cusub dhigay kaddib markii gaarigiisa gadaal gadaal ugu waday fogaan dhan 16 kilomitir iyo 140 mitir muddo ku siman soddon daqiiqo. Waana masaafadii ugu dheereyd abid uu qof ku galo Buugga Dhacdooyinka Dunida ee Guiness Book. Ninkan oo 35 jir ah, wuxuu dhacdadiisa kusoo bandhigay Edappadi Bypass, ...

Read More »

Nin 9 Mukeyf ku xirtay Gurigiisa oo laga dacwooday!

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool dalka Singabuur ayaa looga ashtakooday qabow ba’an oo gurigiisa uga imaanaya jaarkiisa kaddib markii uu 9 qaboojiso ku rakibtay gurigiisa. Xilliga xagaayada, Singabuur waa meel kuleyl iyo huur badan oo dadku aad u dhibsadaan. Dadka qaar ayaa si kastaba, hal iyo labo marwaxad ku xirta guryahooda si ay ugu qabowsadaan. Laakiin hal nin ayaa ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!