MUQDISHO (HN) — 8 jir lagu magacaabo Abdullah Al Fahim ayaa si cajiib leh Qur’anka oo dhan ugu xifdiyay muddo 105 maalmood ah oo u dhiganta 3 bilood. Wuxuu ka qeybgalayaa Tartanka Caalamiga ee Qur’anka kariimka ah 2024, wuxuuna si hordhac ah ugu sii diyaargaroobayaa gudaha Masjidka Niamat Noor ee dalka Bangladesh, sida ay kusoo warramayaan warbaahinta dalkaas. Fahim oo ...
Read More »Monthly Archives: November 2023
Geed MOOS ku dhex baxaya laamiyada!
MUQDISHO (HN) — Laamiyada iyo goobaha dadweynuhu ku kulmo waxaa aalaaba lagu beeraa geedo qurxoon oo ubaxyo ah si ay indhuhu ugu doogsadaan. Balse Kurume oo ah magaalo Japan ku taal waa meesha kaliya oo aad ku arki karto geed moos oo ka dhex baxaya laami. Nala daawo muuqaalka.
Read More »Nin Moos ku dhex beeray ‘bartanka waddo laami ah’
MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay Japan ayaa geedaha Mooska ku abuuray bartamaha laami weyn oo ay baabuurtu adeegsadaan. Dadka ku nool Kurume City ayaa ku baraarugay natiijada geedo waaweyn oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay uu waraabinayay ninkan kuwaas oo u baxaya si aan kaliya qurux ahayn balse mira-dhal ah. Ninkan oo 50 jir lagu sheegay – balse aan ...
Read More »Sida aad u dhoolla-caddeyso waxay walba ka sheegi kartaa caafimaadkaaga!
MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah astaamihii qurxoonaa ee Suubanaheenna NNKH uu lahaa waa naxariista, deganaanta iyo dabcan inuu in badan ahaa qof dhoolla-caddeeya! Waxaa xattaa laga soo weriyaa inuu yiri: ‘inaad walaalkaaga Muslimka ah u dhoolla-caddeyso waa sadaqo Ilaahay abaalmarin kugu siinayo’. Daweynta Ilkaha iyo afka waxay adduunyadu ku bixisay aqoon badan iyo lacag. Marka uu gows ama ilig ...
Read More »Dumar badan oo qaadanaya diinta Islaamka!
MUQDISHO (HN) — Haween badan oo ah facii dhashay intii u dhaxaysay sannadihii 1990-kii ilaa 2010 ayaa qaadanaya diinta Islaamka markii ay aqristeen Qur’anka si dhowna ugu fiirsadeen dhabar-adeyga Muslimiinta Falastiin kaddib. Qaadashadooda Islaamka waxay ka bilaabanaysaa October 7 oo ah markii Mujaahidiinta – Xaq-u-dirirka ah – ay dagaal ku qaadeen Yuhuudda kaas oo ay kaga shahiideen in ka badan ...
Read More »Tiktoker-kii Dhaqtarka iska dhigay ee talooyin caafimaad oo been ah siin jiray dadka ku xiran!
MUQDISHO (HN) — Matthew Lani, oo ah da’yar koofur Afrika u dhashay oo bartiisa Tiktok ay ku xiran yihiin in ka badan 300,000 oo qof ayaa dhawaan xabsiga la dhigay maadama uu iska dhigay dhaqtar – lana wadaagay dadka xiran talooyin caafimaad oo uusan khibradooda lahayn! 27 jir Mathew wuxuu qabsaday hadalheynta internet-ka markii uu bilaabay inuu isku sheego inuu ...
Read More »Arday Muslimiin ah oo gargaar la gaaraya Darbi-jiifta Maraykanka!
MUQDISHO (HN) — U fidinta gacan kaalmo ah danyarta magaalada, ardayda ku midaysan Jaamacadda West Virginia ayaa kartidooda kula midoobaya ururka Islamic Relief si ay u diyaariyaan 30,000 oo saxamo ah oo cunnooyin bisil ay ku jiraan si loogu quudiyo danyarta iyo darbi-jiifta. Cunnada waxaa lala gaari doona kuwa baahan – iyada oo aan loo fiirineyn diinta ay heystaan, midabka ...
Read More »Tiktoker Maraykan u dhalatay oo Islaamka qaadatay!
MUQDISHO (HN) — Waxay aad ula yaabtay dhabar-adeygnimada, geesinimada iyo samirka wax aan lala simaa jirin oo Muslimiinta reer Falastiin kaga falcelinayaan dilka, duqeynta iyo bara-kicinta ay kala kulmayaan Yuhuuddu ku hayaan. Waxayna qaadatay diinta Islaamka. Qofka aan ka hadlayo waa tiktoker-rad Maraykan u dhalatay – ahna qoraa – oo lagu magacaabo Megan Rice kaddib markii ay Qur’anka kariimka ah ...
Read More »Hooyo ku dhex dhashay Gudaha Masjidka Xaramka!
MUQDISHO (HN) — Haweeney joogto gudaha Xaramka barakaysan ee Makka ayay fooshu ku qabatay ardaaga weyn ee Kabcadda. Hooyadan oo kasoo jeeda dalka Suudaan oo aan magaceeda la sheegin, waxay xanuun ka dareemeysay mindhicirrada iyo saabaleyda hoose – iyada oo dhinac ka jooga ardaayada waaweyn ee Kacbada, sida ay kusoo warrantay Saudi Gazette. Madaxa Bisha Cas – qeybteeda Makka, Dr. ...
Read More »Masjidka Bradford oo 300 oo baaskiil u qeybinaya Jamaacaddiisa da’yarta ah!
MUQDISHO (HN) — Si da’yarta carruurta u badan loo farxiyo, Masjid ku yaalla Bradford ayaa ku dhawaad 300 oo baaskiillo iyo kushneetooyin ‘scooters’ u qeybiyay si ay ugu xirmaan bulshada inteeda kale ugana mid noqdaan jamaacada. Masjid-at-Taqwa waxaa guddoonsiinta baaskiillada ka kaalmeeyey ururka OnTrak, sida ay kusoo warrantay telegeraph. Saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Bratford ayaa goobjoog ka ahaa madasha. Waxayna ...
Read More »