MUQDISHO (HN) — 8 jir lagu magacaabo Abdullah Al Fahim ayaa si cajiib leh Qur’anka oo dhan ugu xifdiyay muddo 105 maalmood ah oo u dhiganta 3 bilood.
Wuxuu ka qeybgalayaa Tartanka Caalamiga ee Qur’anka kariimka ah 2024, wuxuuna si hordhac ah ugu sii diyaargaroobayaa gudaha Masjidka Niamat Noor ee dalka Bangladesh, sida ay kusoo warramayaan warbaahinta dalkaas.
Fahim oo ka baxay dugsiga Hedayetun Noor Hifzul Quran, wuxuu rajaynayaa inuu noqdo caalim diinta Islaamka ku xeeldheer. Aabbihiis Salim Ullah Jahangir wuxuu imaam Masjid ka yahay xaafadda Ukhiya ee degmada Chattogram.
Macalin dugsi Qur’ankiisa, Hafiz Shoaibul Islam Sohail, wuxuu sheegay in Fahim uu gebi ahaanba Qur’anka ku dhammeeyey muddo saddex bilood iyo bar ah.
You must log in to post a comment.