MUQDISHO (HN) — Mahmoud Nasr, oo ah da’yar Masar u dhashay – ahna naafo – ayaa maareeyey inuu dusha ka qeybo Qur’anka kariimka ah oo dhan.
Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta, Maxmuud oo kasoo jeeda xaafadda Atildam wuxuu Qur’anka ku bartay dhageysiga Quraada sida macaan ugu codeysa aayaadka Ilaahay. Waxayna ku qaadatay labo sannadood inuu Qur’anka oo dhan ku xifdiyo.
Juz walba meesha uu ka bilow iyo kiisa kale meesha uu ku dhamaado ayuu kala sheegi karaa, sida ay kusoo warrantay IQNA.
3 December sannad kasta waxaa dunida laga maamuusaa Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada.
You must log in to post a comment.