crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nigeria – 62 jir dusha ka qeybsan Qur’anka kariimka. | HimiloNetwork

Nigeria – 62 jir dusha ka qeybsan Qur’anka kariimka.

MUQDISHO (HN) — Dhabar-adeyg, nafhurnimo iyo dadaal joogto ah ayaa u suuragaliyay Liliana Mohammed, oo ah 62 jir dalka Bulgaria u dhalatay inay ka qalinjebiso dugsiga Qur’aanka ee ku yaalla gobalka Kano dalka Nigeria.

Liliana 30 sannadood kahor ayay timid Nigeria kadib kolkii ay is guursadeen seygeeda Ibrahim Sambo, oo dhintay kaas oo u dhashay Nigeria. Waxay bilowday – 10 sano kadib – markii ay islaamtay inay Qur’anka barato – iyada oo kaalmo iyo caawimo ka heleysa macalimad Malama Hafsa, oo ay rumeysan tahay inay wax weyn ku leedahay guusheeda qiimaha badan.

“Gunta hoose ayaan kasoo bilaabay: hingaadda afka Carabiga ayaan ugu horreyn bartay sida aan u kackacsado aayadaha,” ayay tiri. “Kadibna waxaan bilaabay inaan gaarkayga u aqrisado Qur’anka maadaama kacsiga aan bartay.”

Safarka guusheeda wuxuu astaan u yahay geesinimo, ka go’naansho iyo horusocod. Waxayna dooratay inay adduunku sagootiyo iyada oo xaafidul-Qur’an ah.

“Islaamku wuxuu isiiyay nabad: Qur’ankana waan ku hanuunay, Ilaahay mahaddiis.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!