crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> December | 2019 | HimiloNetwork

Monthly Archives: December 2019

Sheekada Aabihii Cunugiisa ku amray inuu tuugsado!

BEIJING (HN) — Aabbe Shiinees ah ayaa fal ka careysiiyay dad badan wuxuu kula kacay wiilkiisa kaddib markii uu ku amray inuu boosteejada ka tuugsado maadama uu leyliga dugsiga looga soo dhiibay uusan ka shaqeynin. Talaadadii tagtay, booliska Shanghai ayaa loogu yeeray wiil yar oo dhabarka ku sita boorsada iskuulka oo ka tuugsanaya boosteejada gaadiidka. Markii ay yimaadeen goobta, booliska ...

Read More »

Japan – Marka Ilmuhu aanay daqiiqad moogaan karin hooyadood!

TOKYO (HN) — Lammaane Japanese ah ayaa la yimid hab cajiib ah oo ay ku maaweelin karaan cunugooda sanad jirka ah kaas oo marwalba oo hooyadu ay banaanka aado bilaaba oohin aan kala go’ laheyn. Waxaana ay sameeyeen boor lagu sawiray hooyada kaas oo lagu sababo cunuga marka ay maamadu bannaanka u baxdo. Fuki Sato ayaa dhawaan qabsatay baraha bulshada ...

Read More »

Ozil oo codkiisa ku biirinaya ka hadalka tacaddiga lagu hayo Muslimiinta Shiinaha.

LONDON (HN) — Laacibka Arsenal ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Turkiga, Mesut Ozil ayaa codkiisa ku biiriyay taccadiga uu Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Shinjiang ee Wiigar ee isugu jirta dilka, xariga, kufsiga iyo masaafurinta. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka maalintii Jimcaha, Ozil ayaa sheegay in Masaajiddii la xiray; Qur’ankii la gubay; wax-barashadii Islaamiga aheydna la mamnuucay; culimadiina la xirxiray; ...

Read More »

Helidda cunnooyin Xalaal ah way ku adag tahay Muslimiinta Kuuriya.

SEOUL (HN) — Banaan u bixidda hadafkeedu yahay dalxiis iyo tamashle waxay maalin aan fiicneyn ku noqotay Rati iyo labadeeda saaxiib kuwaas oo ku sigtay inay gaajo u dhintaan gudaha magaalada Busan ee Koofurta Kuuriya – waayo mahelin meel ay ka iibsadaan cunnooyin xalaal ah. “Waxaan baadi goob ugu jirnay helidda dukaan Kuuriyaan ah oo iibiya cunnooyin xalaal ah,” ayay ...

Read More »

Maxaa gabar ku kalifay inay liqdo tubo balaastik ah?!

BEIJING (HN) — Xiao Lu, oo ah 21 jir ku nool Guangzhou, ayaa bilowgii bishan waxay u aaday isbitaalka si ay dhaqaatiirta ugu sheegto inay liqday tubada jilicsan ee cabitaannada lagu dhuuqo. Tubada ayaa u dhaadhacday gudaha hoose ee caloosha, sidaas darteed dhaqaatiirta ayaa amray in laga qaado raajo si loo arko. Dhererka tubada ayaa dhan 30cm, halka balaceedu gaarayo ...

Read More »

Nin – si uu hooyadiis ugu helo shatiga baabuurta – dharka dumarka u xirtay!

MUQDISHO (HN) — Nin 43 jir ah ayaa dhawaan lagu helay isaga oo xiran maryaha haweenka goor lagu guda jiray tijaabada kaxeynta gaariga – dadaal uu rabay inuu hooyadiis kaga caawiyo si ay u hesho shatiga wadista baabuurta. Markii Heitor Schiave oo 60 jir ah ay ku dhacday saddex jeer tijaabada loo maro kaxeynta gaariga, wiilkeeda oo ah makaanik farsameeya ...

Read More »

Muslim – si uu Alle ugu dhawaado awgiis – u dhisay in ka badan 90 Masaajid!

DELHI (HN) — Nin qeyb ka ahaa burburinta Masjidka Babri sannadkii 1992 ayaa qaatay diinta Islaamka, wuxuuna dhisay in ka badan 90 Masaajid si uu gefkiisa u saxo, marka loo eego Anadolu Agency. “Waxaan u nadray inan Masjidkaas u burburiyo Ilaaha Ram oo kaddibna uga dhiso macbad, laakiin markii aan garowsaday gefkii iga dhacay waxaan balan ku qaaday inaan dhiso ...

Read More »

Haweeney Masjidkii ay ku riyoon jirtay ka dhistay Las Vegas.

MUQDISHO (HN) — Ka Sharaf Haseebullah ahaan, oo 74 jir ah dalka Pakistan u dhalatay ah, riyadeedii aheyd inay lacagteeda ku dhisto Masjid ayaa u rumowday saddex sano kahor, sida laga soo xigtay Religion News. Waxaa uga baxay adduun dhan saddex milyan oo doolar dhismaha Masjidkan oo ku yaalla Las Vegas Nevada. Waxayna noqotay haweeneydii koowaad ee Waqooyiga America ku ...

Read More »

Lammaane Mexican ah oo qaatay diinta Islaamka.

ISTANBUL (HN) — Lammaane Mexican ah ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii uu saameeyey taxanaha barnaamijka looga hadlayay halgamayaashii Muslimiinta soo maray oo ka baxa mid kamid ah warbaahinta Turkiga. Daadihiyaha barnaamijka Abdurrahman Alp ayaa markii uu booqday Maraykanka waxay lammaanayaashani ugu tageen si uu Shahaadada ugu laqimo. Marka loo eego muuqaal lasoo dhigay barta twitter-ka, lammaanahan waxaa raad ku ...

Read More »

Muslimiinta Norwey oo Nuqulo Qur’anka kamid ah u qeybinaya Dadyowga la nool.

MUQDISHO (HN) — Saddex ururrada Muslimiinta Norwey kamid ah ayaa bilaabaya ol’ole ay dadka aan Muslimiinta aheyn ugu qeybinayaan kitaabka Qur’anka. Tallaabadan ayaa daba socta toddobaad kahor markii dibadbax Islaam naceyb ku saleysan oo ka dhacay gudaha Norwey uu ruux kamid ah dibadbaxyaasha isku dayay inuu gubo nuqul kamid ah Kitaabka Qur’anka. Hamza Ansari, oo ku jira guddiyada mid kamid ah ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!