HomeDunida Muslimka"Maya salaad kuma tukan kartid halkan." - Hinduu Muslim kahor joogsaday inuu...

“Maya salaad kuma tukan kartid halkan.” – Hinduu Muslim kahor joogsaday inuu Allihiisa dhursado.

MUQDISHO (HN) – Wuxuu ahaa muuqaal la-yaab badan dhaliyay. Wiil Muslim ah ayaa laga hor istaagay inuu salaaddiisa Jimcaha ku tukado meel dhinaca laamiga ah. Waxaa falkaas ku kacay Sanjay Singh Chauhan oo kamid ah dadka sida xagjiran u taageera xisbiga BJP. Sanjay ayaa lagu soo warramayaa inuu gacanta ka qabtay wiilkan Muslimka ah isaga oo u diidaya inuu salaaddiisa tukado.

Muuqaalka fiidiyowgaas ayaa si xowli ah ugu dhex faafay baraha bulshada. Wiilkan Muslimka ah ayaa u yimid si uu usoo booqdo ayeeyadiisa oo ka xanuunsan. Waana kasoo laabashadiisa booqashada kaddib markii uu falku dhacay.

Sanjay ayaa lagu soo warramay inuu da’yarkan Muslimka ah ula dhaqmay sida qof shisheeye ah oo aan xuquuq ku lahayn dalkiisa hooyo ee Hindiya. Wuxuuna karaankiisa isugu geeyey inuu tukashada salaadda kahor istaago in kasta oo qaar Hinduus ah ay isku dayayeen inay xaaladda qaboojiyaan.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments