crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Japan – Marka Ilmuhu aanay daqiiqad moogaan karin hooyadood! | HimiloNetwork

Japan – Marka Ilmuhu aanay daqiiqad moogaan karin hooyadood!

TOKYO (HN) — Lammaane Japanese ah ayaa la yimid hab cajiib ah oo ay ku maaweelin karaan cunugooda sanad jirka ah kaas oo marwalba oo hooyadu ay banaanka aado bilaaba oohin aan kala go’ laheyn. Waxaana ay sameeyeen boor lagu sawiray hooyada kaas oo lagu sababo cunuga marka ay maamadu bannaanka u baxdo.

Fuki Sato ayaa dhawaan qabsatay baraha bulshada Japan kaddib markii la baahiyay muuqaal iyo sawiro muujinaya boor ay ku sawiran tahay oo cunugeeda sanad jirka ah lagu sababayo daqiiqadaha ay dibadda guriga ku maqan tahay si aanu u dareemin cidlo iyo wehel la’aanteeda.

Lamaanaha ayaa dhibaato ku qabay ramashada xad-dhaafka leh ee cunugooda yari u hayo hooyadiis kaas oo aan moogaan karin daqiiqad yar gudaheeda. Maadama 24/7 ay ku adag tahay inay la joogto, lammaanaha ayaa la yimid fikrad ugu yaraan shaqeyneysa.

Laakiin waxaa muuqata in badan inaan la siri karin ilmahan yar kaas oo markii ugu horreysay oo boorka hooyadii-la-moodka ah looga tagay dareemay inaanay hooyadiisa dhabta aheyn. Hayeeshe, daqiiqadahaas yar ee uu mala-awaalka ku jiri karo, waxay hooyadani u tahay fursad ay danaheeda uga soo qabsan karto dibadda guriga.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!