HomeDunida MuslimkaOzil oo codkiisa ku biirinaya ka hadalka tacaddiga lagu hayo Muslimiinta Shiinaha.

Ozil oo codkiisa ku biirinaya ka hadalka tacaddiga lagu hayo Muslimiinta Shiinaha.

LONDON (HN) — Laacibka Arsenal ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Turkiga, Mesut Ozil ayaa codkiisa ku biiriyay taccadiga uu Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Shinjiang ee Wiigar ee isugu jirta dilka, xariga, kufsiga iyo masaafurinta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka maalintii Jimcaha, Ozil ayaa sheegay in Masaajiddii la xiray; Qur’ankii la gubay; wax-barashadii Islaamiga aheydna la mamnuucay; culimadiina la xirxiray; halka intii kale lagu guray xabsiyada.

“Muslimiintu way iska aamusan yihiin. Lamana maqlayo codkooda,” ayuu sii raaciyay.

Dhawaaqan ayaa daba socda tacadiga miiran oo Shiinuhu ku hayo tira-yarta wuxuu kusoo aadaya xilli dunida oo dhan ay cod dheer ku canbaareynayso ficillada isir-naceybka iyo xurriyad la’aanta leh oo dowladda Beijing ku cadaadinayso Muslimiinta Wiigar.

Muslimiinta Wiigar iyo calanka dhulkooda Shiinuhu gumeysto ee Shinjiang.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments