LONDON (HN) — Laacibka Arsenal ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Turkiga, Mesut Ozil ayaa codkiisa ku biiriyay taccadiga uu Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Shinjiang ee Wiigar ee isugu jirta dilka, xariga, kufsiga iyo masaafurinta.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka maalintii Jimcaha, Ozil ayaa sheegay in Masaajiddii la xiray; Qur’ankii la gubay; wax-barashadii Islaamiga aheydna la mamnuucay; culimadiina la xirxiray; halka intii kale lagu guray xabsiyada.
“Muslimiintu way iska aamusan yihiin. Lamana maqlayo codkooda,” ayuu sii raaciyay.
Dhawaaqan ayaa daba socda tacadiga miiran oo Shiinuhu ku hayo tira-yarta wuxuu kusoo aadaya xilli dunida oo dhan ay cod dheer ku canbaareynayso ficillada isir-naceybka iyo xurriyad la’aanta leh oo dowladda Beijing ku cadaadinayso Muslimiinta Wiigar.

You must log in to post a comment.