crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Helidda cunnooyin Xalaal ah way ku adag tahay Muslimiinta Kuuriya. | HimiloNetwork

Helidda cunnooyin Xalaal ah way ku adag tahay Muslimiinta Kuuriya.

SEOUL (HN) — Banaan u bixidda hadafkeedu yahay dalxiis iyo tamashle waxay maalin aan fiicneyn ku noqotay Rati iyo labadeeda saaxiib kuwaas oo ku sigtay inay gaajo u dhintaan gudaha magaalada Busan ee Koofurta Kuuriya – waayo mahelin meel ay ka iibsadaan cunnooyin xalaal ah.

“Waxaan baadi goob ugu jirnay helidda dukaan Kuuriyaan ah oo iibiya cunnooyin xalaal ah,” ayay tiri Rati saaxiibteed. “Laakiin waxaa kale oo jiray kuwo Hindi ah oo iibiya kuwo xalaal ah.”

Markii danbe waxay heleen maqaayad iibisa cunooyinka badda. Si taas lamid ah, ayay sheegayaan inay ku arkeen caasimadda Seoul oo ay adag tahay mararka qaar helidda cunno xalaal ah.

Caqabaddan ayaa imaanaysa goor Kuuriya ay ku jirto dadaal ay kusoo jiidanayso dalxiisayaasha Muslimiinta ah.

Marka loo eego laanta dalxiiska Kuuriya, Muslimiinta dalxiis ahaan uga yimaada Aasiya waxay u yihiin bartilmaameed. Laakiin waxaa jira qorshayaal Seoul ka dhigaya magaalo saaxiib la ah dhaqamada Islaamka.

Marka loo eego Korean Muslim Federation, Muslimiinta Kuuriya ku nool waxaa lagu qiyaasaa tiro u dhaxaysa 120,000 ilaa 130,000.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!