crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim – si uu Alle ugu dhawaado awgiis – u dhisay in ka badan 90 Masaajid! | HimiloNetwork

Muslim – si uu Alle ugu dhawaado awgiis – u dhisay in ka badan 90 Masaajid!

DELHI (HN) — Nin qeyb ka ahaa burburinta Masjidka Babri sannadkii 1992 ayaa qaatay diinta Islaamka, wuxuuna dhisay in ka badan 90 Masaajid si uu gefkiisa u saxo, marka loo eego Anadolu Agency.

“Waxaan u nadray inan Masjidkaas u burburiyo Ilaaha Ram oo kaddibna uga dhiso macbad, laakiin markii aan garowsaday gefkii iga dhacay waxaan balan ku qaaday inaan dhiso 100 masaajid,” ayuu yiri Balbir Singh.

Wuxuu kamid ahaa koox Hindu ah oo sannadkii 1992 burburiyay Masjidka Babri ee ku yaal Ayodha taas oo ay daba-xigtay rabshado iyo iska hor imaad ay ku dhinteen 2,000 oo u badan Muslimiin.

“Markii aan burburinay Masaajidka, waxaan ku laabanay guryaheenna halkaas oo sidii geesiyaal naloo soo dhaweeyey.” ayuu yir. “Laakiin marnaba ma dareemin deganaan ruuxi ah.”

Sidaas darteed wuxuu la kulmay wadaadka daaciga ah ee Maulana Kaleem Siddiqui. Kaddib faham buuxa oo uu ka qaaday micnaha xeesha dheer ee diinta Islaamka, bishii Dec sannadkii 1993 ayuu islaamay.

Maanta, Singh oo loogu yeero Mohammed Amir, wuxuu guursaday gabar Muslimad ah, wuxuuna hoggaan u yahay madrasad Islaami ah oo ku taal Hyderabad.

Ilaa iyo hadda wuxuu dhisay 90 masaajid.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!