crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lammaane Mexican ah oo qaatay diinta Islaamka. | HimiloNetwork

Lammaane Mexican ah oo qaatay diinta Islaamka.

ISTANBUL (HN) — Lammaane Mexican ah ayaa qaatay diinta Islaamka kaddib markii uu saameeyey taxanaha barnaamijka looga hadlayay halgamayaashii Muslimiinta soo maray oo ka baxa mid kamid ah warbaahinta Turkiga.

Daadihiyaha barnaamijka Abdurrahman Alp ayaa markii uu booqday Maraykanka waxay lammaanayaashani ugu tageen si uu Shahaadada ugu laqimo.

Marka loo eego muuqaal lasoo dhigay barta twitter-ka, lammaanahan waxaa raad ku yeeshay qisada taxanaha ah ee halgamayaashii Muslimiinta. Intaas kaddibna, waxay bilaabeen inay wax kasii ogaadaan diinta Islaamka.

Sidaas awgeed ayay u go’aansadeen inay qaataan Islaamka. Markii ay qaateen Islaamka kaddib, lammaanaha waxaa loo qeybiyay laba nuqul oo tarjumada Qur’anka ah oo ku kala qoran afafka Ingiriiska iyo Esbaanishka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!