crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arday Muslimiin ah oo gargaar la gaaraya Darbi-jiifta Maraykanka! | HimiloNetwork

Arday Muslimiin ah oo gargaar la gaaraya Darbi-jiifta Maraykanka!

MUQDISHO (HN) — U fidinta gacan kaalmo ah danyarta magaalada, ardayda ku midaysan Jaamacadda West Virginia ayaa kartidooda kula midoobaya ururka Islamic Relief si ay u diyaariyaan 30,000 oo saxamo ah oo cunnooyin bisil ay ku jiraan si loogu quudiyo danyarta iyo darbi-jiifta.

Cunnada waxaa lala gaari doona kuwa baahan – iyada oo aan loo fiirineyn diinta ay heystaan, midabka iyo da’da toona, sida uu yiri  Omar Sabbagh, oo ah madaxweynaha Muslim Students Association.

“Tani waa sida Islaamku na farayo,” ayuu yiri Sabbagh isaga oo dhex taagan 100 qofood oo samafalayaal ah oo saxamada ku shubaya raashiin.

Mana ahayn Muslimiinta oo kaliya. In kale oo aan Muslimiin ahayn ayaa ka qeyb ahaa samafalka.

Ma ahan muggii ugu horreysay oo iyaga oo kaashanaya Islamic Relief ay cunnooyin bisil la gaaraan danyarta.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!