crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tiktoker Maraykan u dhalatay oo Islaamka qaadatay! | HimiloNetwork

Tiktoker Maraykan u dhalatay oo Islaamka qaadatay!

MUQDISHO (HN) — Waxay aad ula yaabtay dhabar-adeygnimada, geesinimada iyo samirka wax aan lala simaa jirin oo Muslimiinta reer Falastiin kaga falcelinayaan dilka, duqeynta iyo bara-kicinta ay kala kulmayaan Yuhuuddu ku hayaan. Waxayna qaadatay diinta Islaamka.

Qofka aan ka hadlayo waa tiktoker-rad Maraykan u dhalatay – ahna qoraa – oo lagu magacaabo Megan Rice kaddib markii ay Qur’anka kariimka ah dhowr jeer aqrisatay!

Safarkeeda Islaam barashada wuxuu ka bilwoday naadi Diimaha Dunida ay u bixisay oo ay ku falanqeynaysay xasuuqa bahalnimada leh oo Yuhuuddu ku hayaan Muslimiinta Falastiin.

Ujeedada naadiga ayay ku sheegtay inay kaga hortagayso naceybka ka dhanka ah Islaamka, faquuqa iyo wixii soo raaca oo Muslimiinta lagula dhaqmo!

Kalfadhi Qur’an aqris ah ayay soo raacisay madasha – halkaas oo durba ay kusoo taxmeen dad gaaraya 5,000 oo qof. Iyaduna aad bay u dareensaneyd saameynta togan oo ay ka helayso dhageysiga Qur’anka.

Jimcadii ina dhaaftay, si kastaba, waxay ku dhawaaqday inay qaadatay diinta Islaamka. Waxaana dunida ku baahay muuqaal iyada oo Shahaadada loo qabanayo!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!