crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> May | 2017 | HimiloNetwork

Monthly Archives: May 2017

Hindiya – Maxkamad ku baaqday in Lo’da laga dhigo Xoolo Qaran – Xabsi nololeedna lagu rido Muslimiinta cuna!

New Delhi (Himilonews) – Maxkamadda sare ee Rajasthan ayaa weydiisatay xukuumadda ra’iisul-wasaare Modi in Lo’da laga dhigo Xoolo Qaran. Waxay sidoo kale weydiisatay in sare loo qaado muddo-xilliyeedka ciqaabta lagu rido dadka cuna hilibka Lo’da – ama xitaa laga dhigo xabsi daa’in. Maxkamaddu waxay xog-hayaha iyo qaadi guud ee gobalka ugu yeertay inuu arrinta u qaado golaha dhexe ee dalka Hindiya. ...

Read More »

Marka Waalidku CAFIYO Dilaaga Wiilkooda!

United Kingdon (Himilonews) – Waalidiinta dhibane lagu toogtay New Hampshire kaliya maysan cafin ninkii dilay cunugooda, hayeeshe waxay sidoo kale ugu deeqeen inay ka caawiyaan bilaabashada noloshiisa cusub. Christopher Bazar waxaa laga dhaafay muddo-xiliyeedka uga dhiman xabsigiisa uu ku galay toogashada saaxiibkiisa rumaad, Donald St. Laurent, kadib markii uu ku qaatay saddex sano gudaha jeelka. Wuxuuna waalidiinta inankii uu dilay uga ...

Read More »

Aabihii Cafiska u hibeeyey Dilaagii Inankiisa!

Muqdisho – Aabo cafiyay dilaaga inankeeda ayaa qoray buug ku saabsan habka bogsashada ee ku saabsan sheekadiisa qiirada leh. Wiilka Azim Khamisa oo lagu magacaabo Tariq waxaa la toogtay 17 sano kahor isaga oo adeeg cunto fudud ka kooban u sida meel u dhow Jaamacadda San Diego State University. “Markii aan ugu horreyn helay warka, waxaa igu jabtay qaman-dhaco kulul, ...

Read More »

Wax ka badan CAFIS aan laheyn EREYO lagu sifeeyo!

Miami (Himilonews) – Laba sano kadib markii gabadheeda si kama uu u toogtay wiil ay isku dugsi ahaayeen oo baska la saarnaa, Ady Guzman-DeJesus waxay maxkamadda kula kulantay dilaagii inanteeda, Jordyn Howe. Ady waxay sameysay arrin markii ay aragtay Howe ay dad badan ku adag tahay inay rumeystaan; waxay siisay hab iyada oo cafis deeqsinimo leh u fidisay. Laga yaabee ...

Read More »

Lamaane Xabsi 25 sanadood u galay Cunsuri-Naceyb ay ku kaceen!

United States (Himilonews) – Lamaane da’yar oo Georgia ku nool ayaa ku dhex ooyay maxkamadda goortii lagu riday xukun 35-sano ah sababtii ay u galabsadeen danbi cunsuri-naceyb ah oo ay ku sameeyeen xaflad dhalasho oo uu dhiganayay wiil madow ah. Kayla Rae Norton, oo 25-jir ah, iyo Jose Ismael Torres, oo 26-jira waxay kusoo dhaceen kolonyo xabaarsan calanka confederate Flag ...

Read More »

Marka Dhibanuhu Cafiyo Midka dhibaateeya!

Muqdisho – Haweeney lagu dhaawacay dhalo cabitaan xilli ay ku sugneyd baarka Minnesota Applebee – sababta ay af-gurigeeda ugu hadashay awgeed – ayaa waji-ka-waji uga hortimid qofkii dhibaateeyey gudaha maxkamadda; waxayse u fidisay cafis. Jodie Burchard-Risch, oo 44-jir ah waxaa lagu riday xukun dhan 180 maalmood inay ku qaadato xabsiga kadib markii ay qiratay inay dhaawac halis leh gaarsiisay Asma ...

Read More »

La kulan: Ninka Jidadka ku midabeeya Ubaxyo si ay dadku ugu farxaan!

New York (Himilonetwork) – Albert Einstein oo ahaa aqoon-yahan Yuhuudi-Maraykan ah ayaa wuxuu yiri: “Adduunyada waa meel halis u leh nolosha Aadanaha. Mana ahan inay ku nool yihiin dad xun – waa in dadkii samaha u saaxiibka ahaa aysan gudan mas’uuliyaddii wanaagsaneyd.” Inta badan ma dhacdo inaad maqasho waxlo abuuri kara tusaalayaal togan iyo tilmaamo toolmoon. Waana taas mar kasta ...

Read More »

Markay Dadka iyo Dugaagtu Nolosha qeybsadaan!

Jakarta (Himilonews) – Wax ku bilowday shaqo fudud ayaa isku badalay gacaltooyo jaalenimo oo xeel-dheer taas oo dhex-martay nin iyo mid kamid ah miciyaleyda halista ee arlada guudkeeda saaran. 10 sano kahor, Abdullahi Sholeh wuxuu barbaariye u noqday shabeel 3-bilood jir ah, hayeeshe waxay noqdeen kuwo isku dhow xittaa markii shabeelku weynaaday. Waxay wada qaateen ugu badnaan daqiiqad kasta oo ...

Read More »

Faadumo Soon-qaad – Bil Shacbaan?!

Muqdisho (Himilonews) – Inta badan magacyada aad maqasho kuma wada dhacaan dhegahaada mar qura iyo maalin kasta. Waxaa jira magacyo si gaar ah ugu soo daadega qalbigaada marka la joogo xilliyada qaar kuwaas oo ku dareensiiya inay tahay waqtigii dhacdadani ku badnaan jirtay maqalka dhegahaada. Balse kuma filna mana ku eka dhawaqa oo kaliya – marka laga hadlayo bisha Shacbaan ...

Read More »

Dr. Zaki oo helay sharciga dhalasho ee dalka Sucuudiga.

New York (Himilonews) – Daaciga Muslimka ah ee u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa in la guddoonsiiyay dhalashada dalka Sucuudiga. Sharciga dhalasho ee dalka Boqortooyada Sucuudiga waxaa wadaadkan guddoonsiiyay Boqor Salman waqti uu ku sugnaa xaalad aan sugneyn oo cabsi ku aheyd dhaq-dhaqaaqiisa – taniyo markii dowladda Hindiya ay kusoo eedeysay inuu maleego falal argagaxisanimo. Dr. Zakir kaas ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!