MUQDISHO (HN) – Maxkamadda Sare ee Allahabad ayaa booliska Shamli ku amartay inaysan fara-gelin xorriyadda shakhsiga ah ee Ayush Malik, oo 31 jir ah, kaddib markii uu maxkamadda u sheegay inuu si iskiis ah ugu biiray diinta Islaamka, isla markaana uu doonayo inuu la noolaado xaaskiisa, Chandni Qureshi.
Malik ayaa maxkamadda la horgeeyay Arbacadii markii la sheegay in si sharci-darro ah loo haystay, kolkii uu ku dhawaaqay inuu qaatay Islaamka kadibna uu guursaday haweeney Muslimad ah. Maxkamaddu waxay sidoo kale walaac ka muujisay duruufaha ku xeeran xarigga ama haynta la sheegay, waxayna maamulka ku amartay inay xaqiijiyaan ilaalinta xorriyaddiisa shakhsiga ah.
Malik oo maxkamadda u sheegay inuu si ikhtiyaari ah u qaatay Islaamka
Intii uu dhageysigu socday, Malik wuxuu maxkamadda u sheegay inuu Islaamka ku qaatay rabitaankiisa iyo ikhtiyaarkiisa isaga oo aan cidna ku khasbin. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu la noolaado Chandni Qureshi, oo uu sheegay inuu iskiis u guursaday.
Arrintan ayaa hor timid Maxkamadda Sare markii saaxiibkiis Sultan uu gudbiyay dacwad isaga oo dalbanaya in Malik maxkamadda la horkeeno.
Sida ku cad dacwadda, Malik waxaa lagu hayay gacanta aabbihii, Devraj Singh Malik, iyada oo la sheegay in gaar-u-hayntiisa ay gacan ka geysteen mas’uuliyiin dowladeed. Dacwaddu waxay sheegtay in hayntiisu ay ka dambaysay go’aankiisa ah inuu Islaamka qaatay oo uu guursaday Chandni oo ah fal uu aabbihii si weyn uga soo horjeeday.
Dadka dacwadda gudbiyay waxay ku doodeen in Malik laga qaaday xorriyaddiisa shakhsiga ah, waxayna ku tilmaameen kiiska dambiga ah ee Chandni iyo ehelkeeda been-abuur dano gaar ah laga leeyahay.
Maxkamadda oo hore u amartay in Malik la horkeeno
9-kii Sebtembar, Garsoore Sandeep Jain ayaa maamulka Uttar Pradesh iyo aabbaha Malik ku amray inay Malik maxkamadda horkeenaan.
Go’aankii hore, maxkamaddu waxay eedeymaha la xiriira gaar-u-haynta Malik iyo suurta-galnimada in mas’uuliyiin dowladeed ku lug lahaayeen ku tilmaantay arrin dabeecad culus leh.
Sida ku cad dacwadda, Malik ayaa Islaamay, kadibna guursaday Chandni. Aabbihii ayaa markii dambe lagu eedeeyay inuu ka gudbiyay Chandni iyo ehelkeeda cabasho booliis (FIR) oo ka dhacday sal-dhigga booliska Shamli.
Dacwadda ayaa lagu diiwaan-geliyay qodobbo katirsan Xeerka Uttar Pradesh ee Kahor-tagga Beddelashada Diinta ee Sharci-darrada ah 2021 iyo qodobo quseeya Bharatiya Nyaya Sanhita.
Maxkamadda oo booliiska ku amartay inaysan fara-gelin
Markii Malik uu maxkamadda hor yimid, wuxuu mar kale xaqiijiyay go’aankiisa ah inuu raacay diinta xaqqa ah ee Islaamka iyo rabitaankiisa ah inuu la noolaado xaaskiisa.
Kadib hadalkiisa, Maxkamadda Sare waxay booliiska ku amartay inaysan fara-gelin xorriyaddiisa shakhsiga ah ama go’aanka lammaanaha.
Dacwaddan ayaa sidoo kale dhalisay dood ku saabsan xuquuqda dadka qaangaarka ah ee oggolaanshaha leh inay si xor ah u doortaan diintooda iyo qofka ay nolosha la wadaagayaan.
Go’aankii hore ee maxkamaddu wuxuu xusay in xogta iyo dukumentiyada loo gudbiyay maxkamadda ay muujinayeen in Malik uu si iskiis ah u Islaamay oo uu guursaday Chandni. Hayeeshee, maxkamaddu waxay caddeysay in xilligaas aysan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan eedeymaha.
Dacwaddu weli waxay hortaallaa Maxkamadda Sare ee Allahabad, waxaana dacwadaha dambe lagu go’aamin doonaa arrimaha sharciga ah ee ka dhashay Dacwadda aabbaha ee Booliska iyo eedeymaha la xiriira gaar-u-haynta Malik.