HomeDunida MuslimkaXildhibaan ku baaqday in Carruurta Muslimiinta Madrasadaha dhigta ay qaadaan Amaanta Sanamyada!

Xildhibaan ku baaqday in Carruurta Muslimiinta Madrasadaha dhigta ay qaadaan Amaanta Sanamyada!

MUQDISHO (HN) – Hoggaamiye katirsan BJP-ga Telangana – ahna – u dhaqdhaqaaqe bulsho, Madhavi Latha, ayaa soo jeedisay in Madarasadaha lagu daro barashada luuqadda Ingiriiska, isla markaana hawaan ama qasab laga dhigo ku heesidda “Vande Mataram” iyo “Jana Gana Mana”.

Latha waxay carrabka ku adkaysay baahida loo qabo in ardayda Madarasadaha lagu abuuro dareen waddaniyadeed.

Latha waxay sidoo kale taageertay hadal la sheegay inuu kasoo baxay ku-xigeenka madaxa xukuumadda Uttar Pradesh, Keshav Prasad Maurya oo Madarasadaha ku tilmaamay ‘Warshado Argagixiso’. Waxay sheegtay in bulshadu aysan si dhab ah u fahmin waxa Qur’aanku dhigayo ama sida Islaamku u saameeyo tarbiyadda ilmaha.

Waxay intaas ku dartay in dadka ay inta badan maqlaan erayo ay kamid yihiin “jihaad” ayna arkaan, sida ay sheegtay, isku dayo dhalinyarada loogu beddelayo argagixiso iyaga oo qoryo iyo AK-47 gacmaha loo gelinayo.

Latha waxay sawirtay xaalad ay ku tilmaantay mid aad u daran, oo ah ilmo maalintiisa oo dhan ku qaata Madrasada uu baranayo keliya sidii uu uga soo horjeesan lahaa qaranka. Waxay tiri: Gudaha nafta iyo maskaxda yar ee ilmahaas, waxaa lagu beeraa fikirka ah in ilmaha Hinduuga deriska la ah uusan walaalkiis ahayn, balse uu yahay cadowgiisa.

Latha waxay sidoo kale soo qaadday arrinta wax-barashada Ingiriiska oo ay sheegtay inaysan si ku filan uga jirin madarasadaha. Waxay ku doodday in arrintaasi carruurta kahor istaagayso inay kula tartamaan dadka kale ee dunida ama ay helaan fursado ay nolol ku kasbadaan.

“Miyaanay tani caddaalad-darro ku ahayn carruurtaas? Maxay noqon doontaa hab-fikirka ilmahaas?” ayay is waydiisay. Musharraxii hore ee BJP uga tartamay Golaha Lok Sabha ee Hyderabad, waxay ku baaqday in wax-barashada Ingiriiska lagu daro Madarasadaha, si carruurtu ula jaan-qaadi karaan dunida casriga ah.

Waxay sidoo kale ku adkaysatay in ardayda da’da yar Madarasadaha lagu baro waddaniyadda kuna boorrisay inay qaadaan ‘Vande Mataram’, heesta qaranka, isla markaana ku dhawaaqaan ‘Jai Bolo Bharat Mata.’

Iyada oo ka hadlaysay hadallo uu Maulana Sajid Rashidi ka sheegay Kanwariyas, Latha waxay su’aal gelisay sababta dadka qaarkood ay u muuqdaan inay si gaar ah ula socdaan xujaydaas. Waxayna waydiisay: “Yuu ahaa argagixisadii digaagga cunay oo lafihiina ku tuuray webiga Ganga?”

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments