Hindiya – Maxkamad ku baaqday in Lo’da laga dhigo Xoolo Qaran – Xabsi nololeedna lagu rido Muslimiinta cuna!
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
May 31, 2017
435 Views
New Delhi (Himilonews) – Maxkamadda sare ee Rajasthan ayaa weydiisatay xukuumadda ra’iisul-wasaare Modi in Lo’da laga dhigo Xoolo Qaran. Waxay sidoo kale weydiisatay in sare loo qaado muddo-xilliyeedka ciqaabta lagu rido dadka cuna hilibka Lo’da – ama xitaa laga dhigo xabsi daa’in.
Maxkamaddu waxay xog-hayaha iyo qaadi guud ee gobalka ugu yeertay inuu arrinta u qaado golaha dhexe ee dalka Hindiya.
Hinduuga ayaa meelo badan ka dhigay qalalaaso geystay dhimashada dad Muslimiin ah oo loo dilay sababtii ay u cuneen hilib Lo’aad.
In ka badan 11 nin oo Muslimiin ah ayaa ku dhintay gacmaha qas-wadayaal argagaxiso ah kadib markii ay ku tuhmeen qalista Lo’da. Waana mid kamid ah dhacdooyinka argagaxa leh ee lagu hayo dalka Hinduuga u badan ee Hindiya oo ay sidoo kale ku nool yihiin Muslimiin tiro badan oo 30% ka ah tirada dad-weynaha.
Modi ayaa Yogi Adityanath oo ah hoggaamiye mayal-adag Hinduu ah u magacaabay inuu kormeero gobalka ugu badan oo ay ku yaalliin warshadaha Muslimiinta oo lagu soo saro hilibka nuucyadiisa kala duwan.
In yar kadib markii la magacaabayna, wuxuu bandow kusoo rogay warshadaha. Dukaamo dhowr ah ayaa la xiray; qaar waa la gubay.
Bishii hore, gobalka Gujurat wuxuu sare u qaaday xeerka ciqaabta iyaga oo ka dhigay xabsi daa’in cunista ama gowraca Lo’da. Qof kasta oo lagu qabto isaga oo iibinaya ama daabulanaya wuxuu wajihi doonaa 10 sano oo xarig ah.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Related
2017-05-31
You must log in to post a comment.