Maan Adeegsanno Awoodda Wax Cafinta!

Muqdisho (Himilonews) – Xusuusnow, uma cafisid dadka naftooda aawadeed – waxaad u cafisaa naftaada awgeed.
Cafintu micnaheedu ma ahan inaad iska hilmaanto wixii ku dhacay – kamana dhigna inaad dirayso farriin ah in wixii laguugu sameeyey ay sax aheyd. Balse waa inaad iska saarto carada, mahadhaha iyo uur-ku-taallada aad u qabto qofka.
Hase yeeshe taasi manoqon karto mid u fudud sida loo yiraahdo. Haddii wax cafintu ay sahal tahay, qof kasta ayaa sameyn lahaa. Kaliya dadka niyada fiican ayaa wax cafiya. Mahatma Ghandi ayaa yiri; dadka daciifka ah malahan awoodda ay wax ku cafiyaan, kuwa adag ayaa leh kartida ay wax lagu cafiyo.
Qof kasta wuxuu sameeyaa qalad. Balse waxaa jirta oraah tiraahda: haddii aadan cafin karin dadka—ha sugin dadku inay ku cafiyaan. Waxaa qaata qofka adag midka raalli-geliya dadka marka uu ku qaldamo; waxaase kasii hal-adag midka dadka cafiya.
Haddii aynu rabno inaynu is-jeclaanno, waxaa waajib ah inay barano sida la isku cafiyo. Marka aad doorato inaad dadka cafiso, waxaa qaadatay awoodda kuwii ku dhibaateeyey.
Wax cafintu aalaaba ma fududa. Waqtiyada ayaad ku dareentaa xanuun iyo xumaato in ka badan dhwaacyada xubnaha kaaga dhaca—hadana, waa inaynu mar walba ogsoonahay inaanay nabadi jiri karin is-cafin la’aan.
Inaad wax cafiso waa inaan maxbuus ka dhigto xur oo aad hadana gar-waaqsato in maxbuuskuba uu ahaa adiga. Marar ayaa si fudud ku cafisaa dadka waayo waxaad og-tahay inaad wali u baahan tahay inay kula noolaadaan.
Si kastaba, wax-cafintu  waa hadiyad aad naftaada siiso. Balse qof kasta hadiyadaas mahelo. Waase hibo aan cidi ka xigsan karin cid kale.
In kasta oo dhacdada bilowgeedu ay saameynta wax cafintu ku macaan tahay, hadana mar kasta inaad qof cafisaa waa culeys, dhiillo ama dareen mahadhaysan oo aad ka reebtay qeybta noloshaada—adiga oo xor u noqday inaad ku noolaato nolol kuugu dhisan farax, riyaaq iyo niyadsamaan. Waxaana kasoo baxday xabsiga tiiraanyada, cuqdada iyo ciil-kaanbiga.
Sidaas darteed, tani waa doorasho qof walba u furan. Waxaase ugu danbeyn ku guuleysta qof qalbi leh—u eegis la’aan diinta, midabka iyo meesha uu ku sugan yahay.
Sidaas darteed, halka ay wax cafintu ku dhamaato ayaa ah meesha ay ka bilaabato nolol macaan iyo midnimo bulsho.
Marka aynu dib ugu laabano erey-bixinta af-keenna Soomaaliga, ereyada dhimriya sida cafis iyo saamixid ma ahan erey asalkoodu Soomaali yihiin. Mana muuqato ereyo u dhigma oo laga helo hodantooyanimada afka.
Taas badalkeeda, waxaa inoo muuqda ereyada ku lidka ah sida: ciiltirasho, caloolyow, aarsi, godob iyo wixii lamid ah. Mana ahan oo kaliya ereyadan iyo kuwa la halmaala inta lagu sifeyn karo dadnimadeenna xeesha dheer ee Soomaalinimada balse waa hida-dhaqan gaamuran oo lagu soo dhaqmi jiray waayo badan.
Maanta wax cafintu waa baahiyaha ugu mudan ee ku hor-gudban baraaraheenna. Waana lama huraan barashadeeda.
Marka wax cafisku caafimaad iyo calool-sami ku danbeeyo, waxaa hagaagta nolosha shaqsiyaadka ay dhibaato dhex-marto.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!