Argagax – Muslimad si sanduleysan looga xayuubiyay xijaabka!

Washington (Himilonews) – Gabar da’yar Muslimad ah ayaa laga bannaan bixiyay bangi ku yaalla magaalada Washington ee dalka Maraykanka, halkaas oo lagu soo warramay inay u aaday bixinta ceymista gaariga. 
Jamela Mohamed ayaa sheegtay in la baadi-soocday laguna qasbay inay dibadda uga baxdo bangiga Sound Credit Union – waayo waxay xirneyd xijaab. 
In kasta oo astaamo muujinaya in madax-gashiyada oo dhan sida koofiyadaha aan laga oggoleyn gudaha bangiga, Jamela waxay huwaneyd koogfiyad iyo xijaab. Mana fileyn in xijaabkeedu noqon doono mid sabab loo qaato. 
“Marka waxay igu dhaheen iska bixi xijaabka,” ayay tiri. “Maxaan ugu jeeda nin xirn koofiyad oo aniga la ii leeyahay iska bixi xijaabka?” ayay is weydiisay. 
Kaamirada dahsoon ayaa muujiyay haween ciyaara kubadda kolayga oo xiran kofiyado kuwaas oo aan la warsan inay iska bixiyaan. 
“Hadalna madhihin. Shaqaalaha Bangiga ayaa iigu handaday inay wici doonaan numabrka 911 haddii aysan iska siibin. Waxaan dareemay camashood,” ayay tiri. 
Muuqaalka oo ay ku baahisay barta bulshada, Jamela waxay sheegtay inaysan naawileyn in sideeda oo kale qof uu u dhadhamiyo waaya’aragnimadan. “Qofna loolama dhaqmi karo sidan oo kale,” ayay tiri. 
Qareenkeeda, Thaddeus Martin ayaa sheegay in Jamela aysan raaci waynin amarrada la dul-dhigay, hayeeshe xeerarka qaar ayay la aheyd kuwa aan taabaneyn iyada ahaan. 
“Waxaa loo arkay halis, waxaana loola dhaqmay si halis leh,” ayuu yiri. 
Bangiga ayaa taniyo markaas soo saaray raali-gelin bartooda facebook – iyaga oo aqbalay inaysan xaaladda ula fal-gelin sidii loo baahnaa. 
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!