Lamaane Xabsi 25 sanadood u galay Cunsuri-Naceyb ay ku kaceen!

United States (Himilonews) – Lamaane da’yar oo Georgia ku nool ayaa ku dhex ooyay maxkamadda goortii lagu riday xukun 35-sano ah sababtii ay u galabsadeen danbi cunsuri-naceyb ah oo ay ku sameeyeen xaflad dhalasho oo uu dhiganayay wiil madow ah.
Kayla Rae Norton, oo 25-jir ah, iyo Jose Ismael Torres, oo 26-jira waxay kusoo dhaceen kolonyo xabaarsan calanka confederate Flag – waxayna si fool-xun ula hadleen qoyskan ku dhaqan Douglasville, xilli ay dhalashada 8-sano jirsanaysa ee wiilkooda u dabaal-degayeen.
Norton waxay caddaysay inay ka qoomameysay falalkeedii maalintaas goortii mid kamid ehellada la dulmay oo ku sugnaa maxkamadda ay cafisay – iyada oo ku tiri; ‘Noloshu waxay ku yaraataa naceybka.
Xeer-ilaaliyaha maxkamadda, William McClain  ayaa ka xeeriyay xukunka Torres oo ah 20 sano – 13 kamid ahna uu ku qaadan doono xabsiga, Norton waxaa lagu riday 15 sano xukun dhan oo 6 sano oo kamid ah ay xabsiga kula qaadan doonto Torres.
Labadaba waxaa sidoo kale lagu helay inay argagax ka dhigeen madashii xafladdu ka dhaceysay iyo dadkii kale ee ka ag-dhawaa.
Lamaanuhu waxay xubno ka ahaayeen koox lagu magacaabo Respect the Flag,’ waxaana falkan kula soo biiray kolonyo kale kuwaas oo ku qeyliyay dadkii xafladda wada joogay – ereyo handadaad lehna marar kula hadlay.
“Waan aqbalayaa mas’uuliyadda wax aan sameeyey,” Norton ayaa tiri iyada oo ilmeyneysa.
Waxay kahor qiratay dhibanayaashii joogay maxkamadda – iyada oo tiri: “Waxa idinku dhacay waa aabi iyo arxan-darro.”
Norton iyo Torres ayaa isku dhalay saddex carruur ah. Torres wuxuu kaliya qiirooday – ilmada qubay – markii saddex xubnaha qoyska ay u istaageen inay ku tilmaamaan aabe arxan leh, howlkar dhiifoon iyo macalin kubadda cagta si samafal ah uga shaqeeya.
Mid kamid ah xubnaha qoyska la dulmay, Hyesha Bryant oo laabteeda ku nabaysa gacmaheeda ayaa sheegtay inay cafisay lamaanaha oo aysan wax naceyb ah ugu heynin uurka.
cafis 2 cafiss
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!