crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dr. Zaki oo helay sharciga dhalasho ee dalka Sucuudiga. | HimiloNetwork

Dr. Zaki oo helay sharciga dhalasho ee dalka Sucuudiga.

New York (Himilonews) – Daaciga Muslimka ah ee u dhashay dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa in la guddoonsiiyay dhalashada dalka Sucuudiga.
Sharciga dhalasho ee dalka Boqortooyada Sucuudiga waxaa wadaadkan guddoonsiiyay Boqor Salman waqti uu ku sugnaa xaalad aan sugneyn oo cabsi ku aheyd dhaq-dhaqaaqiisa – taniyo markii dowladda Hindiya ay kusoo eedeysay inuu maleego falal argagaxisanimo.
Dr. Zakir kaas oo ku raaxaysta taageerayaal badan oo ku nool Hindiya, Pakistan, Bangladesh iyo dalal kale ayaa xilli adag ku jira kadib markii dowladda Hindiya ay amartay booliska caalamiga ah ee Interpol inay soo qabtaan maadaama sida ay tiri uu ka danbeeyey weerar ay geysteen Muslimiin mayal-adag oo ku andacooday inuu dhiirri-geliyay wadaadka.
51-jirka oo marka falkan lagu tuhmay ku sugnaa dibadda ayaa taniyo markaas ku laaban Hindiya. Wuxuuna gaashaanka u daruuray inuusan ku lug laheyn eedeymaha lala xiriirinayo.
Af-hayeenka Dr Zaki, Aarif Malik ayaa sheegay in daacigu uu diyaar u yahay inuu ka qeyb-galo baaritaan kasta oo loogu yeero.
“Mar kasta ayaan ku celinaynaa in Dr Zaki uu diyaar u yahay furitaanka kiis walba oo lala xiriiriyo,” ayuu yiri isaga oo jooga magaalada Mumbai.
Si kastaba, dhawaqa kaga yeeraya dalka Sucuudiga oo tilmaamaya in boqor Salmaan  uu sharciga dhalasho uu siiyay Dr Zaki ayaa farxad u ah dhamaan umadda Muslimiinta ah ee dunida ku kala nool.
Isha: himilonews,org
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!