Dr. Mahathir oo ka dhawaajiyay sirta ku jirta caafimaadkiisa!

Kuala Lampur (Himilonews) – Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Tun Dr Mahathir Mohamad ayaa dadkiisa la wadaagay siraha ku duugan cimrigiisa ku dhow qarniga.
Dr. Mahathir hadda wuxuu jiraa 91-sano. Wuxuuna talada dalka Malaysia soo hayay muddo dhan 22 sano.
In kasta oo uu xilka ka degay sanadkii 2003, hadana wuxuu kaalin firfircoon ku yeelahay siyaasadda dalka. Wuxuuna hadda hoggaan u yahay Xisbiga Parti Pribumi Bersatu Malaysia.
“Dad badan ayaa i weydiiyay sababta aan ugu sugnaaday caafimaad,” ayuu yiri Dr. Mahathir.
“Malahaanin balwadda sigaar-dhuuqista, cabista qamriga waligay. Waxaan cuntada ka istaagaa kahor inta aan dhergin. Waxaana aan aqriyaa buugaagta,” ayuu kusii qoray bartiisa Twitter-ka.
Marka loo eego xog ay sanadkii 2015-ka soo saartay Statistics Department, celceliska cimri-nololeedka dadka Maalysia wuxuu ahaa 74.8 sano.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!