crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida oo Xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Afrikada Dhexe ka aamusan! | HimiloNetwork

Dunida oo Xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Afrikada Dhexe ka aamusan!

Muqdisho (Himilonews) – Waxa laga yaabo inaysan dunida Galbeedka siinin ahmiyadii loo baahnaa waxaa kamid ah rayid badan oo Muslimiin ah ay isku dayayaan inay ka baxsadaan weerarrada ku socda oo ay ku hayaan maleeshiyada Kirishtanka ah taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof toddobaadkii lasoo dhaafay, marka loo eego saraakiisha QM iyo shaqaalaha gargaarka.
Marka loo eego Reuters, weerarro toddobaadkii hore ka dhacay Bangassou  oo dhacda xadka dalku la wadaago Congo waxaa hormuud ka ahaa boqollaal maleeshiyo ku hubeysan hub culus. Dagaalka waxaa loogu dow-galay tira-yarta Muslimiinta – xaaladda ay colaaadani ku abuuurtayna waxay noqontay mid aad looga murgo.
“Xaaladdu way xun tahay waxaana aynu isku dayaynaa inaan dib u hubsanno gacan ku heynta magaalada Bangassou,” ayuu chief Parfait Onanga-Anyanga u sheegay Reuters.
Marka loo eego Onanga-Anyanga, badi dagaal-yahannadu waa carruur la askareeyey kuwaas oo ku sugan xaalad aan sugneyn oo maandooriye ah.
Madaxa Laan-qeyrta Cas, Antoine Mbao-Bogo, ayaa sheegay in shaqaalihiisu ay 115 meydad ah ka heleen Bangassou kagadaal dagaallo ka qarxay.
Halka horumarrada la xiriira gumaadka lagu wado Muslimiinta aysan dunida wada arkeyn, hadana xaqiiqdu waxay tahay in iska hor imaadyadani ay aad isku soo tarayaan.
Marka loo eego The Guardian, kumaankun Muslimiin ah ayaa lagu dilay; laguna barakiciyay dagaallada. Tusaale ahaan, caasimadda Bangui waxaa kol hore daganaa 130,000 Muslimiin ah; hadda tiradaas waxay la’ eg tahay 1,000.
Marka loo eego Reuters, sal-dhigga QM ee Bangassou ayaa sidoo kale weerar lagu qaaday.
Dalka Afrikada Dhexe ee CAR waxaa ka jira qalalaaso bilowday 2013, markii Muslimiin hubeysan oo Seleka la baxay ay xukunka ka tureen madax-weyne Francois Bozize. Si kastaba, Amnesty International ayaa ku qeexday dhaqdhaqaaqyada socda ‘Isir-sifeyn.’
Inta ay socdaan qalalaasaha, madhaceyso in warbaahinta Reer Galbeedka ay tooshka ku ifiyaan sida daran oo ay u silcayaan Muslimiinta Afrikada Dhexe ku nool. Sanadkii 2015, qeybta horumarinta u qaabilsan QM ayaa dalkan ku qortay booska ugu hooseeya kala horreynta horumarka wadamada adduunka.
Hadana CAR ama Central Africa Republic waa dalka 12aad ee ugu weyn wax-soo-saarka Dheymanka, Dahabka iyo dhagxaan kale oo qaali ah.   Wuxuu sidoo kale leeyahay kheyraad dabiici ah sida batrool qeyriin ah oo ku dhex ceegaagan qeybo badan oo dhulkiisa kamid ah.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!