2011 UN Day Concert: on the theme ÒCelebrating Cultural DiversityÓ, featuring the Mongolian National Horse Fiddle Ensemble and the National Academic Ensemble of Folk Song and Dance (sponsored by the Permanent Mission of Mongolia to the United Nations).
Master of Ceremony: Mr. Kio Akasaka, Under-Secretary-General for Communications and Public Information
Remarks by:
1. The United Nations Secretary-General, H.E. Mr. Ban Ki-Moon;
2. President of the General Assembly, H.E. Mr. Nassir Abdulaziz al-Nasser of Qatar
3. Prime Minister of Mongolia, H.E. Mr. Batbold Sukhbaatar
21 May – Maalinta Caalamiga ee Is-dhex-galka Dhaqamada.
Posted by: Zakariya
in Wararka
May 21, 2017
326 Views
New York (Himilonews) – Saddex dalool kamid ah iska hor imaadyada dunida ka jira waxaa lagu celiyaa ku kala duwanaanta dhaqamada, marka loo eego mareegta hey’adda QM.
Buuxinta daloolkaas ee ka dhex jira dhaqamada iyo caadooyinka kala duwan waxay lama huraan u tahay nabadda, xasilloonida iyo horumarka.
Dhaqamada kala duwan waa awood lagu karaariyo horumarka – oo aan kaliya qadarin ku laheyn kobaca dhaqaalaha, balse sidoo kale tiir-dhaxaad u ah helidda bulshooyin noloshooda ruuxiga ah ugu nool si farxad leh. Waxay sidoo kale dhaqamadu yihiin hanti huriweynto u ah yareynta faqriga iyo ku guuleysiga horumarro joogtaysan.
Isla waqtigana, aqbalista iyo aqoonsashada dhaqamada kala duwan waxay fure muhiim ah u yihiin wada-hadalka ka dhex jira ilbaxnimooyinka iyo is fahamka Aadmiga.
Sanadkii 2001, UNESCO ayaa xuska maalintan kula kowsatay baaqa caalamiga ah ee kala duwanaanta iyo is-dhex-galka dhaqamada. Bishii December, 2002, kal-fadhiga guud ee QM ayaa May 21-keeda u aqoonsaday Maalinta Caalamiga ah ee Is-dhex-galka Dhaqamada.
Maalintani waxay na xusuusisaa fursadaha aynu ku garan karno fahamka dhaqamada iyo qiimeynta is-dhexgalka bulshooyinka.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2017-05-21
You must log in to post a comment.