MUQDISHO (HN) — Da’da aalaaba laga yaabo inay dadkeedu ku tukubaan bakooradda, 88 jirka lagu magacaabo Ploutarchos Pourliakas wuxuu uga qeybgalay tartanka oroddada isaga oo la yimid dhibco lala yaabay. Wuxuu noqday ama uu soo galay kaalinta 12aad tartan la ordayay fogaan gaaraysa (42.195km/ 26.22 miles).
Sheekadiisuna waa mid ku dhaqaajinaysa oo dhiirrigelin kuugu filan. Pourliakas wuxuu oroddada kusoo bilaabay da’da 73 jirka kaddib markii uu dhiirrigelin ka helay wiilkiisa orodyahanka ah, waxyar kaddibna wuxuu naftiisa ka helay iyada oo jecel inay oroddo. Wuxuuna maalin walba ordi jiray afar ilaa shan kilomitir ama wadar guud oo gaaraysa 45 km toddobaadkii – iyo celcelis dhan 20 kilomitir maalmaha Sabtida iyo Aaxadda.
12 jeer ayuu tartamada orodka ka qeybgalay – in kasta oo uu sii weynaanayana, Pourliakas wuxuu dhabtii si xowli ah u orday sannadkiisii ugu dambeeyey isaga oo 18 daqiiqdo oo dheeraad ahaa kasoo jaray orodadii hore.
Isaga oo ay dhinacyada ka joogeen qoyskiisa, Pourliakas wuxuu sheegay in orotankiisii ugu dambeeyey ay kaga dhigan tahay sida inuu weli dhalinyaro yahay.
“Waxaan dareemayaa inaan weli ka yarahay da’da 88 jirnimada,” ayuu yiri.
Dad badan waxaa ku adag inay rumeystaan in qof weyn uu ordi karo – iska daa inuu ka qeybgalo tartan e, balse Pourliakas wuxuu kuwaas shakiga ka qaba da’diisa oo kale u xaqiijinayaa in qof walba oo ordi karo marba haddii ay ka go’an tahay. Waana, sida uu yiri, haddii ay caafimaadkoodu ka jiraan waxyeellada oo ay sidoo kale cunaan cunno isku dheelli-tiran.
“Sigaar ma dhuuqo; khamro ma cabbo; habeenkiina ma dhafro,” ayuu yiri.
Waxa xiisaha leh ayaa ah in tartankani uu kasoo jeedo hab orodkii uu fariinsidihii Athenian-ka warka guusha uga keenay goobtii dagaaleed 2,500 oo sannadood kahor. Waxaana tartanka la galaa iyada oo maanka lagu wada hayo dhacdadaas.

You must log in to post a comment.