MUQDISHO (HN) – Wiil 22 jir ah oo ku dhacay ceel 12 mitir ah ayaa muddo saddex maalmood ah ku dhex jiray ceelka kaddib markii qeyladiisa iyo oohintiisa dadka dibadda ka maqlay ay u qaateen in ceelka uu ku jiro reer aaqireed. Wayna isaga fogaadeen gebi ahaanba agagaarka ceelka.
Macadda waxa wiilkan oo lagu magacaabo Liu Chuanyi, ka dhex sameynayay keynta ku taalla soohdinta labada dal ee Thailand iyo Myanmar, laakiin waxa uu ku dhacay ceel la isaga tagay oo ku yaalla duleedka xaafad yar oo xadka saaran. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay suuragal tahay in wiilkan uu kor socday alwaaxda ku dadan ceelka sidaasna uu ugu dhacay waxaana kasoo gaaray dhaawac daran sida kala goysyada gacmaha iyo jug maskaxda ah.
Markii hore, wuxuu bilaabay inuu qeyliyo inta karaankiisa ah si loogu soo gurmado wuxuuna saacado kaddib go’aansaday inuu keydsado tamartiisa maadaama cidna aysan maqleynin. Wuuna ku saxsanaa middaas. Sababta oo ah saddex maalmood ayuu ku dhex jiray gunta ceelka iyo saddex habeen – isaga oo aan helin wuxuu cuno ama uu cabo.
Hadduusan kala reeban lahayn awooddiisa iyo tabartiisa, waxaa meydkiisa laga soo saari lahaa ceelka.

You must log in to post a comment.