crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Yaxaas heerka caatadiisu gaartay in laf-dhabartiisa la arki karo! | HimiloNetwork

Yaxaas heerka caatadiisu gaartay in laf-dhabartiisa la arki karo!

MUQDISHO (HN) — Xerada xayawaannada lagu daryeelo ee Guangzhou Zoo waxay wajahysa dhaleeceymo xooggan oo kaga imaanaya geyfanayaasha u doodda xuquuqda noolaha iyo dhammaanba dadka Shiinaha kaddib markii la arkay mid kamid ah yaxaasyada ku jira xerada oo weydnimo heerka uu ka gaaray awgeed ay laf-dhabartiisu soo muuqatay!

Yaxaaska waxaa aalaaba la arkaa sida badan isaga oo cayilan marka uu bannaanka joogo iyo kolka uu biyaha ku jira oo oogadiisa dusha sare laga dareemo shilisnaantiisa. Laakiin, yaxaas ku jira xerada Guangzhou waxaa sawirada laga soo qaaday la arki karaa riciraha feerihiisa iyo lafta dheer ee dhabarka ku taalla. Waxaana uu ku baahay muuqaalkaasu baraha bulshada – isaga oo dood kulul ka dhex dhaliyay bulshada Shiinaha.

“Mararka qaar waxaadba moodaysa inuusanba nooleyn oo qolfoof dhar madow loo geliyay uu yahay,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka falceliyay. “Haddaanu dhaqdhaqaaq sameyn lahayn waxaan u heysan lahayn inuusan Yaxaasba ahayn.”

Qofka muuqaalkan soo duubay ayaa maamulka ku eedeeyey inay isha ka fiirsadaan noolaha ay ku heystaan xerada ilaa ay ka dhintaan ama naftu ku daba-yaraato!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!