MUQDISHO (HN) – Nin Shiinees ah oo ku caajisay noloshiisa ayaa dhawaan xabsiga loo taxaabay kadib markii uu sawirkiisa kusoo qoray ‘Wanted’ kadibna soo dhigay baraha bulshada isaga oo ku faanaya dambiyo aan lasoo koobi karin oo uu sharciga ka galay.
Bal qiyaas caajis heerka aad ka gaartay inaad caajis awgiis aad bilowdo in dambiyo dhacay aad dusha u ridato adiga oo rajaynaya inaad soo jiidato dareenka dadka oo laguu aqoonsado ama lagu sheegsheego. Taas waa wixii uu sameeyey nin kasoo jeeda waqooyiga Shiinaha bishii hore, wuxuuna ka been sheegay inuu dhawaan lacag baad ah oo gaaraysa 4$ milyan ka qaatay shirkad; in gurigiisa ay u yaallaan hub iyo rasaas – isaga oo isla markaana dadka ku dhiirri-gelinaya inay soo qabtaan haddii ay rabaan inay ku guuleystaan lacag dhan 30,000 oo Yuan (4,000$).
Booliska Shiinaha u qaabilsan daba-galka baraha bulshada ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan. Waxayna laamaha amnigu baaritaan ku sameeyeen gurigiisa si ay usoo hubsadaan in wax hub ama sharci-darro ah uu ku heysto hoygiisa. Laakiin lama soo helin wax kamid ah waxyaabihii uu ku faanay oo dhan sida lacagtii uu kasoo dhacay shirkadda.
Ninkan oo la yiraahdo Wang ayaa booliska ka raali-geliyay marin-habaabintii uu ku sameeyey, waxaase uu hadda wajahayaa ganaax iyo suurta-galnimada muddo gaaban oo xabsi ah. Wuxuu u sheegay in sababta ku kaliftay ay tahay inuu ku caajisay guriga dhexdiisa oo uu rabay inuu soo jiito dareenweynaha dadka.
Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warramaysa in markii ninkan la xirayay uu muuqaalkiisu daawasho ahaan uu kor usii dhaafay 350,000 views – halka ay ka falceliyeen kana aragti dhiibteen 3,000 oo qof.
Nin Shiinees ah oo ku caajisay nolol maalmeedkiisa ayaa dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu "Amar la doonayo" oo magaciisa ku soo qoray baraha bulshada uu ku faanay dambiyada aan la soo koobi karin ee uu galay. Ma qiyaasi kartaa inaad caajis badan tahay inaad bilowdo inaad internetka ku dhejiso dambiyada la sameeyay oo aad ku dhejiso sidii dambiilayaal dambiile ah, adigoo rajeynaya inaad hesho nooc ka mid ah dareenka? Taasi waa wixii uu sameeyay nin ka soo jeeda waqooyiga Shiinaha bishii hore, isagoo ku soo qaatay baraha bulshada inuu been ka sheegayo, oo ay ka mid tahay inuu dhawaan shirkad ka qaatay 30 milyan oo Yuan ($ 4 milyan) oo baadda ah, inuu lahaan jiray hub iyo rasaas, iyo inuu dadka la tacaalayo. si ay u helaan haddii ay rabaan 30,000 yuan ($4,000) abaal marin ah. Boostiisa ayaa noqotay mid faayrus ah, laakiin sidoo kale waxay soo jiidatay dareenka fulinta sharciga Shiinaha ee la socodka baraha bulshada, wuxuuna ku danbeyay xabsiga gadaashiisa shaqo aan caadi ahayn.

You must log in to post a comment.