crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Cadayga ama Rumeyga. | HimiloNetwork

Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Cadayga ama Rumeyga.

MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah hababka ugu fiican oo bedqabka afka iyo ilkaha lagu ilaalin karo waa cadayga ama rumeyga oo afka Carabiga lagu yiraahdo Siwak. Waana sunno uu jideeyey Suubanaha NNKH oo laga helayo faa’iidooyin badan. Ereyga Siwak waa geed magaciisa oo qoryaha qoyan ee laga soo gooyo ay u roon yihiin nadiifinta ilkaha iyo carafta afka.

Cadaygu ama rumeygu waa geed dabiici ah oo dhirta la xagto kamid ah kaas oo dila yiridka iyo bacteeriyada ilma-aragtida ah ee ku dhasha gudaha ilkaha ee sababi kara xanuunada suuska, jajabka ilkaha iyo gowsaha iyo wixii soo raaca. Waxaana intaas dheer oo laga helaa af carfoon iyo neef aan laga didin oo aan lahayn ur qurmoon.

Aad baa runtii loogu baraarugay faa’iidooyinka ku cadaysiga rumeyga marka lala barbardhigo walxaha kale ee kiimikaatiga ah ee lagu rumeysto.

1400 oo sannadood kahor ayuu Suubanaha NNKH nagu boorriyay inaan ku dadaalno cadayga iyo nadiifinta afka iyo ilkaha. Waayo cunnooyinka ku hara gudaha iyo dhinacyada ilkaha waxay fursad koritaan u abuuraan bacteeriyo halis ah oo malaayiin xabbo ah kuwaas oo sababi kara xanuunnada kala duwan ee ku dhaca ilkaha iyo afka.

Bacteeriyada ay soo saaraan walxaha iyo wasaqda ku hara ilkaha aan la cadaynin waxay sababaan inay dilaan dhuuxa ilkaha kuwaas oo ugu dambeyntii xanuunno badan kaddib burbura. Laakiin kuwa joogteeya cadaysiga waxaa loogu hambalyeeyaa inay leeyihiin fursado nololeed oo ay caraf, caafimaad iyo bedqab kula noolaan karaan ilkahooda.

Cadaygu wuxuu dilaa bacteeriyada; wuxuu xoojiyaa joogga ilkaha; wuxuu kahortagaa inay ilkuhu dhiigaan ama afka oo ku ura.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!