HomeSahankaMuraayadaha AI-da ku shaqeeya oo si kordhaysa loogu adeegsanayo Qishka Imtixaannada Shiinaha.

Muraayadaha AI-da ku shaqeeya oo si kordhaysa loogu adeegsanayo Qishka Imtixaannada Shiinaha.

MUQDISHO (HN) – Kowdii Luulyo, arday magaciisa dambe lagu sheegay Lin ayaa lagu qabtay isaga oo khiyaameynaya imtixaan ka socday Jaamacadda Beeraha Koofurta Shiinaha.

Qiyaastii 10 daqiiqo markii imtixaanku socday, mid kamid ah kormeerayaasha ayaa arkay in muraayadaha uu xirnaa ay si kooban u iftiiminayeen midab cagaaran. Tani waxay keentay in laga codsado inuu iska bixiyo muraayadaha, waxaana uu qirtay inuu xirnaa muraayado casri ah oo ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI).

Sida ay qortay China News Weekly, Lin wuxuu watay muraayadaha Leqi Smart Glasses oo suuqa lasoo geliyay bishii Sebtembar sannadkii hore. Muraayadahani waxay ku shaqeeyaan afar nidaam oo waaweyn oo AI ah: DeepSeek, Tongyi Qianwen, Zhipu iyo Doubao. Waxay leeyihiin awood ay sawir uga qaadaan su’aalaha imtixaanka, dabadeedna ay si toos ah u raadiyaan uguna soo celiyaan jawaabaha.

Lin wuxuu u baahnaa oo keliya inuu taabto dhinaca muraayadda ee u dhow dhegtiisa si ay sawir uga qaaddo su’aalaha imtixaanka kadibna uu sugo inta ay muraayaduhu usoo saarayaan jawaabaha. In kasta oo uu isku dayay inuu qariyo nalka LED-ka ee shidma marka sawir la qaadayo, haddana ma uusan ogeyn in iftiinka cagaaran laga arki karo muraayadaha marka dhinacyo gaar ah laga eego.

Markii dhacdadan ay si weyn ugu faaftay baraha bulshada, arday kale ayaa sheegay in dhibaatada iftiinka cagaaran si fudud loogu qarin karo dhejisyo raqiis ah oo lagu daboolo muraayadaha. Sidoo kale, waxaa kordhay xayeysiisyada internet-ka lagu kiraynayo muraayadaha AI-ga ku shaqeeya, iyada oo qaar lagu kireynayo lacag ka bilaabanaysa 200 yuan. Ganacsatada qaar ayaa xattaa bixiya casharro lagu barayo sida muraayadaha loogu beddelo hab aamusan iyo iftiin hoose.

Dhacdooyin lamid ah oo ku saabsan khiyaanada imtixaannada iyada oo la adeegsanayo muraayadaha AI ayaa dhawaan laga soo sheegay jaamacado ku yaalla gobollada Hubei, Henan, Beijing iyo meelo kale oo Shiinaha ah. Mid kamid ah macallimiinta jaamacadda ayaa sheegay in kormeerayaasha imtixaannadu aysan weli si wanaagsan ugu diyaarsanayn sidii ay u ogaan lahaayeen muraayadaha noocan ah. Wuxuu xusay in habka kaliya ee hadda la yaqaan uu yahay in si gaar ah loo baaro muraayadaha leh qaab-dhismeed qaro weyn.

Dhanka kale, Lin Che oo ah maamule ku gaaroobay iibka muraayadaha casriga ah, ayaa ka digay in mustaqbalka dhow muraayadaha AI-da ku shaqeeya ay noqon doonaan kuwo aad ugu eg muraayadaha caadiga ah, taas oo sii adkeyn doonta shaqada kormeerayaasha imtixaannada.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments