HomeSahankaShirkad Mareykan ah oo soo saaraysa Drones yar-yar oo AI ku shaqeeya...

Shirkad Mareykan ah oo soo saaraysa Drones yar-yar oo AI ku shaqeeya si ay u dabar-gooyaan Kaneecada.

MUQDISHO (HN) – Injineerro katirsan shirkadda bilowga ah ee Mareykanka laga leeyahay ee Tornyol oo ay maalgelisay Y Combinator, ayaa horumarinaya drones aad u yar oo ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo la filayo inay si weyn u yareeyaan kharashka dabar-goynta kaneecada, iyada oo lagu qiyaasayo inuu hoos u dhici karo ilaa 100 jeer marka loo eego hababka hadda la isticmaalo.

Fikradda mashruucan ayaa ah in kooxo ka kooban drones-kan yaryar ay hawada ku ugaarsadaan oo ay soo ridaan kaneecada magaalooyinka, halkii laga isticmaali lahaa kiimikooyin ama habab kale oo qaali ah isla markaana halis ku noqon kara deegaanka iyo caafimaadka.

Bishii Luulyo, Alex Toussaint oo kamid ah aas-aasayaasha Tornyol ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya waxa uu ku tilmaamay “guushii ugu horreysay ee drone hawada kusoo rida cayayaan kale.” Muuqaalka ayaa lagu arkayay drone yar oo daba socda aboor (moth), ugu dambayna hawada kasoo riday.

In kasta oo aboorku uusan ahayn kaneeco, isla markaana tijaabadu ka dhacday goob xaddidan, shirkaddu waxay sheegtay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta drone awood u leh inuu aqoonsado kana ugaarsado kaneecada iyaga oo hawada ku jira.

Tornyol waxay qorsheynaysaa inay samayso drones miisaankoodu yahay qiyaastii 40 garam oo adeegsanaya makarafoonnnada taleefannada casriga ah, dareemayaal ultrasonic ah iyo software gaar ah si ay u ogaadaan una daba-galaan cayayaanka.

Drones-kan ayaa diraya hirar ultrasonic ah, kadibna dhageysanaya dhawaaqa soo noqda. Maadaama baalasha kaneecadu ay soo saaraan dhawaaq gaar ah oo loo yaqaan Doppler signature, nidaamku wuxuu awood u yeelan karaa inuu kaneecada ka sooco cayayaanka kale.

Alex Toussaint iyo Clovis Piedallu, oo ah injineerrada ka dambeeya mashruucan, waxay rajeynayaan in mustaqbalka kooxo ka kooban drones-kan yaryar loo adeegsan doono cirib-tirka kaneecada guud ahaan magaalooyinka. Sida ay sheegeen, 10 drone oo keliya ayaa awood u yeelan kara inay kaneecada ka nadiifiyaan dhul baaxaddiisu tahay hal kiiloomitir oo laba jibbaaran.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments