HomeSahankaSaynisyahanno naqshadeeyay dhar quusitaan oo loogu tala-galay baranbarada si loogu adeegsado samata-bixinta...

Saynisyahanno naqshadeeyay dhar quusitaan oo loogu tala-galay baranbarada si loogu adeegsado samata-bixinta iyo horumarinta adeegyada aadanaha

MUQDISHO (HN) – In kasta oo dadka badankoodu ay doorbidi lahaayeen inay arkaan baranbaro quusaysa ama xitaa dab ku gubaan, koox saynisyahanno ah oo katirsan Nanyang Technological University ayaa muddo ku hawlanaa sidii ay baranbarada Madagascar hissing cockroach ugu noolaan lahayd biyaha hoostooda muddo dheer.

Borofisar Hirotaka Sato iyo kooxdiisu waxay hore u muujiyeen in baranbaradan laga xakamayn karo meel fog iyaga oo ku rakibay electrodes xubnaha dareenka ee cayayaanka. Taas ayaa ka dhigtay nooc kamid ah cayayaan-robot (cyborg insect) oo loo adeegsan karo hawlo kala duwan, sida raadinta dadka ku badbaaday goobaha musiibooyinka.

Hase yeeshee, waxaa jiray hal caqabad oo weyn: baranbaradu si fiican uguma dulqaadato biyaha taas oo xaddidaysay isticmaalkeeda meelaha daadadku ka jiraan.

Si ay dhibaatadan u xalliyaan, cilmi-baarayaashu waxay sameeyeen dhar quusitaan (diving suit) oo lagu daabacay tiknoolajiyada 3D printing. Dharkan ayaa siiya baranbarada oksijiin ay neefsato muddo dheer.

Dharka quusitaanka wuxuu ka samaysan yahay walax resin ah, wuxuuna oksijiinta u gudbiyaa daloollada ay cayayaanku ka neefsadaan taas oo u oggolaanaysa baranbarada inay biyaha hoostooda ku shaqeyso ilaa 3 saacadood.

Waxa xiisaha leh ayaa ah in dharkani uusan lahayn haan oksijiin oo caadi ah. Halkiisa, wuxuu isticmaalaa isku-dar ah hydrogen peroxide iyo manganese dioxide oo marka ay falgalaan soo saara oksijiin ay baranbaradu isticmaali karto.

Tijaabooyinkii la sameeyay waxay muujiyeen in nidaamkani si wanaagsan u shaqeeyay. Baranbaradu waxay biyaha hoostooda ku socon kartay xawaare gaaraya 78.4 millimitir ilbiriqsikii oo wax yar oo keliya (qiyaastii 10 mm/s) ka hooseysa xawaaraheeda dhulka.

Borofisar Hirotaka Sato ayaa ku qoray warqad cilmiyeed oo dhowaan lagu daabacay joornaalka Nature Communications: ‘Markan ballaarino awoodda cayayaannadeenna Cyborg si ay ugu dhaqaaqi karaan biyaha hoostooda, waxaan aaminsanahay inay si weyn u caawin karaan hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta.’

Cayayaankan cyborg-ka ah oo ay sameeyeen kooxda Borofisar Sato ayaa door ka qaatay howlgalkii Lionheart oo ahayd hawlgal dhab ah oo lagu baadi-goobayay laguna samata-bixinayay dadkii ay saameysay dhulgariirkii xooggiisu ahaa 7.7 magnitude ee ku dhuftay Myanmar gu’gii 2025.

Kooxda cilmi-baarayaashu waxayse leeyihiin himilo kasii weyn. Waxay rajeynayaan in mustaqbalka baranbaradan xiran dharka quusitaanka loo adeegsado baaritaanka dusha sare ee meeraha Mars, halkaas oo ay ka caawin karaan sahminta deegaanno ay aad ugu adag tahay in bani’aadamku si toos ah u gaaro.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments