MUQDISHO (HN) – Daraasado badan ayaa muujiyay in xayawaanka la dhaqdo gaar ahaan eeyaha ay si weyn u hagaajiyaan niyadda iyo caafimaadka maskaxda dadka. Si kastaba ha ahaatee, qof walba diyaar uma aha mas’uuliyadda ka dhalata daryeelka xayawaanka. Haddaba dadka aan rabin inay yeeshaan xayawaan u gaar ah waxay hadda kireysan karaan eeyo saacadihii ay doonaan iyaga oo ku raaxaysanaya wehelnimadooda oo aan looga doonayn daryeel joogto ah.
Barnaamijka wadaagga xayawaanka oo lagu magacaabo Wangfu ayaa bishii Maarso kusoo ban-dhigay baraha bulshada adeegga kiraynta eeyaha. Adeeggan ayaa hadda ka shaqeeya magaalooyin waaweyn ee Shiinaha ah sida; Beijing, Shanghai, iyo Shenzhen.
Adeeggu waa mid fudud: Milkiilaha eeyga wuxuu iska diiwaangeliyaa madasha, wuxuuna gelinayaa xogta iyo sawirrada eeygiisa. Qofka doonaya inuu eey lala socodsiiyo wuxuu doortaa eeyga uu rabo, kadibna wuxuu codsadaa inuu la socdo muddo hal ama laba saacadood ah.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Shiinaha, qiimaha kiradu wuxuu u dhexeeyaa 10 ilaa 60 yuan (qiyaastii $1.5 ilaa $9) halkii mar.
- Waxaa jira xeerar ay tahay in isticmaalayaashu raacaan: Milkiilaha iyo qofka kiraysanaya ayaa si toos ah ugu heshiinaya goobta lagu wareejinayo laguna soo celinayo eeyga. Eeyga waxaa lagu dhex wareejin karaa oo keliya meelaha uu horay u yaqaanay. Madashu waxay bixisaa nidaam lagula socdo goobta uu eeygu joogo waqtiga dhabta ah (real-time tracking). Haddii eeygu muujiyo dhaqan aan caadi ahayn ama uu xanuunsado, qofka kiraystay waa inuu isla markiiba ogeysiiyaa milkiilaha!
Sidoo kale, labada dhinacba waa inay maraan xaqiijinta aqoonsiga, waxaana Wangfu ay u sameysaa caymis xoolaha ku jira madasha si looga hortago dhibaato kasta oo dhici karta.
Adeeggan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Shiinaha, hase yeeshee aragtiyada laga bixiyay way kala duwan yihiin. Qaar waxay aaminsan yihiin in kiraynta eeyaha ay dadka ku dhiirri-gelin karto inay mustaqbalka korsadaan eey ay leeyihiin. Dhanka kale, qaar kale waxay ka digayaan in isbeddelka joogtada ah ee dadka la socda, deegaanka iyo jadwalka nololeed uu ku keeni karo eeyaha culays nafsi ah oo aan loo baahnayn.
Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa dhinaca anshaxa, iyadoo qaar ay su’aal gelinayaan inay sax tahay in xayawaan la jecel yahay loo kiraysto dadka kale si lacag looga helo.
