HomeDunida Muslimka"Jooji iibinta Hilibka Xalaasha ah ama Guur." - Hoggaamiye Hindu ah oo...

“Jooji iibinta Hilibka Xalaasha ah ama Guur.” – Hoggaamiye Hindu ah oo Muslimiinta u hanjabaya!

MUQDISHO (HN) – Dhacdo walaac dhalisay ayaa laga soo sheegay degmada Jadavpur oo katirsan magaalada Kolkata oo xubno lagu sheegay inay katirsan yihiin ururka Bajrang Dal ay ugu hanjabeen ganacsato Muslimiin ah oo iibinayay hilib iyaga oo ku amray inay ganacsigooda joojiyaan ama si degdeg ah uga guuraan goobta.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya nin taageere u ah Bajrang Dal oo adeegsanaya hadallo aflagaaddo iyo xaqiraad leh ganacsatadana uga digaya inay sii wataan ganacsigooda.

Wuxuu ku yiri muuqaalka: ‘Maxaad halkan hilibka ugu iibinaysaan uguna qalaysaan – adinka oo og in dadka halkan ku badan ay yihiin Hindus.’

Wuxuu sidoo kale sheegay in waayihii Xisbiga Trinamool Congress ay dhammaadeen isaga oo u hanjabay ganacsatada: ‘Joojiya iibinta hilibka xalaasha ah – sida ugu dhaqsiyaha badanna uga taga halkan.’

Wuxuu u soo jeediyay inay u guuraan deegaanno kale sida Mallikpur oo uu ku tilmaamay meel ay Muslimiin badan deggan yihiin.

Dhacdadan ayaa dhalisay walaac iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dambiyada naceybka ku saleysan ee ka dhanka ah bulshada Muslimiinta ee gobolka West Bengal ay sii kordheen kadib markii uu sii xoogaystay saameynta xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee gobolka. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Siasat.com, ugu yaraan 10 dhacdo oo noocan oo kale ah ayaa laga soo sheegay bishii May oo keliya.

Muranka ayaa sii xoogaystay kadib markii Suvendu Adhikari oo ah hoggaamiye katirsan BJP kana mida baarlamaanka gobolka uu sheegay inuu xoogga saari doono u adeegidda dadka Hindu-ga ah ee isaga doortay. Sida warbaahinta lagu sheegay, wuxuu yiri:

Muuqaalka dhacdadan ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada wuxuuna dhaliyay cambaareyn ballaaran iyo dood ku saabsan xiisadaha diimeed iyo wada noolaanshaha bulshada ee gobolka.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments