MUQDISHO (HN) – Radha Semwal Dhoni oo ah taageere caan ah oo katirsan garabka midig ee xagjirka ah iyo hoggaamiye kamid ah ururka Hindutva ee magaalada Dehradun ayaa dhalisay muran ballaaran kadib markii ay ugu baaqday dadka deegaanka inaysan guryahooda ka kiraynin dadka Muslimiinta ah.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada maalintii Talaadada ayaa muujinaya iyada oo gacanteeda ku fulinaysa waxa ay u aragtay sharci weerarna ku qaadaysa nin dhalinyaro Muslim ah oo ay ku eedeysay inuu eegayay haween.
Muuqaalka waxaa laga arkaa Semwal oo dharbaaxaysa ninka, timaha ka jiidaysa, isla markaana aflagaaddaynaysa iyada oo marar badan ugu yeeraysa “mullah” (eray mararka qaar loo adeegsado si xaqiraad ah marka lagu tilmaamayo nin Muslim ah). Waxay ku leedahay: ‘Gabdhihiina iyo xaasaskiina waxaad ku qarisaan xijaab, haddana kuweenna ayaad fiirinaysaan.’
Ninka ayaa dhankiisa ku dooday inuu yahay qof aan waxba galabsan.
Semwal waxay sidoo kale uga digtay dadka deegaanka inay guryahooda ka kireeyaan Muslimiinta, iyada oo ku hanjabtay inay booliiska uga dacwoon doonto cid kasta oo sidaas sameysa. Waxay tiri: ‘Halkii aad ka daryeeli lahaydeen gabdhihiina iyo xaasaskiina waxaad ka walwalsan tihiin kireystayaashiinna.’
Wararka ayaa sheegaya in Semwal ay marar badan ku baaqday in laga fogaado xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee lala yeesho dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan Masiixiyiinta.
Muuqaallo kale oo internet-ka ku faafay ayaa lagu arkayaa iyada oo dadka aflagaaddaynaysa, jir dil u geysanaysa, isla markaana ka qayb-qaadanaysa burburinta goobaha diimeed kuna eedaynaysa dadka laga tirada badan yahay inay sameeyaan diin-beddel khasab ah.
Dhacdooyinkan ayaa dhaliyay fal-celin xooggan oo ka timid baraha bulshada iyada oo dad badan ay ka muujiyeen walaac ku saabsan kororka dadka sharciga gacantooda ku qaata iyo hadallada hurinaya kala qaybsanaanta bulshada iyo diimaha ee gobolka.