HomeWararkaBuundada Liiqliiqato ee Dalka Giriiga!

Buundada Liiqliiqato ee Dalka Giriiga!

MUQDISHO (HN) – Bishii Sebtembar 2023, Duufaanta Daniel waxay ku dhufatay dalalka Giriigga, Bulgeeriya iyo Turkiga, iyada oo sababtay dhimashada kumannaan qof iyo burbur dhaqaale oo balaayiin doollar lagu qiyaasay. Duufaantu waxay sidoo kale dhaawac weyn u geysatay kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan gobolka Thessaly ee dalka Giriigga oo daadadku ay ka dhigeen 79 buundo kuwo aan la isticmaali karin.

Mid kamid ah buundooyinka ay duufaantu burburisay waa Buundada Palaiopyrgos oo dhexda ka jabtay kadibna qaybteedii dhexe ay ku duntay. Waxay isku xirtaa deegaannada xeebaha ee Degmada Tempi iyo Degmada Agia, waana marin muhiim u ah dadka deegaanka. Si kastaba, buundadu weli si muuqata ayay u liicaysaa, iyada oo qeybteeda dhexe ay wax yar oo keliya ka sarreyso biyaha Webiga Pineios.

In kasta oo ay xaaladdeedu aad u khatar badan tahay, haddana darawallo badan ayaa weli ku dhiirrada inay ka gudbaan.

Si rasmi ah, Buundada Palaiopyrgos waxaa la xiray tan iyo markii ay duntay sannadkii 2023, waxaana la mamnuucay in gaadiidku isticmaalo. Hase yeeshee, laguma xirin wax xannibaad ah oo jir ahaan u diidaya dadka inay ka gudbaan, mana la dayactirin. Sidaas darteed, qof kasta oo iska indhatira calaamadaha digniinta ayaa weli awood u leh inuu isticmaalo walow ay khatar weyn leedahay.

Muuqaal ay duubtay diyaarad drone oo ay baahisay wargeyska Larissanet Daily Newspaper ayaa muujinaya gaari noociisu yahay Ford Ranger oo si taxaddar leh uga gudbaya buundada burburtay, isagoo u maraya sidii waddo caqabado leh, ugu dambayna si guul leh uga gudbay dhinaca kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in darawallo badan ay doorbidaan inay halistaas qaataan, maadaama waddada kale oo loo maro ay tahay mid aad u dheer, taas oo ka dhigan waqti iyo shidaal dheeraad ah oo ku baxa socdaalkooda.

Waxa kale oo la sheegay in mararka qaarkood dalxiisayaal lagu hago jidka buundadan burburtay, balse marka ay arkaan calaamadaha digniinta ayay dib u noqdaan ama ay go’aansadaan inay halis u galaan ka gudubkeeda.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments