Muqdisho – Marka aynu mala-xumeeyaal noqono, waa mar kasta oo aan kasii fogaanno gaarista nolosha dhabta ah. Marka aynu mala-qurxiyaal noqono, waa mar kasta oo aan kusii dhawaanno dhadhansiga xeesha dheer ee nolosha dhabta ah. Xeel-dheerida garaadnimo ee Soomaalida iyo af-maalnimada gobeed ee uu Eebe ku galladay, in badan oo kamid ah, sida taban uma adeegsadaan. Uursami jiri mayso inta ...
Read More »Monthly Archives: July 2015
Dabeecadda iyo Soomaalida!!
Muqdisho – Runtii qadarinta tix-galineed ee bulshada iyo in qofku dhaleecadiisa kaga mashquulka dhantaalka qof kale ceebihiisa, waa wadiiqada ugu toobiyeysan ee qofku nolosha ku garan karo. Amaanta, deeqda iyo kalsamida qofnimana waa hubka ugu fudud ee aad bulshada ku badali karto kuna hanan karto dareenkooda. Maanta, kadib is-fahan wada-noolaansho iyo is-dhex-gal hamrasho iyo xaq-dhowr ku dhisan oo dadyowga Caalamku ...
Read More »Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!
Mandera oo kamid ah magaalo-xuduudeedka kobtan ku wada yaalla oo ologna la ah dagmada Baladxaawo iyo Sufta, waxay dhacdaa cirirf-dhamaadka waxa maanta loogu yeero Waqooyi Bari Kenya oo ah is-rogga magaceed ee NFD. Si aad ayay magaaaladani u balaaratay. In-ka badan nusqarni oo ay dhidibada u aasneyd, maanta waa mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Kenyada xorta ah ...
Read More »Waayihii Mandera kala raray wali halkiisii!!
Qeybtii 1aad; Soohdimaha ay wadaagaan dalalka geeska Afrika dhaca, waxaa ku sugan kob seere saddex-xagaley ah oo saddex dal u kala dhanbalmata; taas oo ah mid kamid ah soohdimaha ay dhifka ku ah isla Afrikada hodanka. Soohdintaas saddex-xagaleyda ah waa kobta kala qeybisa saddex kamid ah shanta Soomaali weyntu ab iyo ayba u leedahay. Kobtani waa baaxad-sooraha kala qeybiya xuduud ...
Read More »Warbixin ku saabsan Mandera, Kenya
Halkani waa Mandera; magaaladii ugu danbeysay ee kamid noqota dhulkii lo oran jiray degmooyinkii seeraha waqooyi NFD; oo joogadeenna ah mid kamid ah saddexda gobol ee ugu waaweyn toddobada gobol ee Kenyada xorta ah. Taariikhdu waxay ifisaa inay Mandera ahaan jirtay badigeed kob daagsimeed xoolaha lagu foofiyo. Hayeeshe ugu yaraan nus-qarni, gabankii waagaas oo ah gabowga maanta waxay ku ...
Read More »Tacsi Tiiraanyo leh!!
Muqdisho – Agaasimaha mareegta Himilonews.com iyo dhamaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada mareegta, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Ibraahim Cismaan Muudeey oo ku xalay ku geeriyooday laanta saddexaad ee degmada Wardhiigleey. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo; samir iyo iimaanna uu naga siiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa diraya dhamaan dadkii xigtada ...
Read More »Ugaarteennii Mee??!!
Qeybtii Labaad; Ugaadhu, maadaama ay kamid ahayd xoolihii dalka ku dhaqnaa, waxay lahayd qiimaheeda, taas oo maanta aad ka dheehan karto aqoonta dhinacyada badan ee ku qotonta dhaqamadeeda iyo nolosheeda. Nolosha iyo aqoonta Ugaadha looma sinayne, waa loo kala dhawaa. Waxaan shaki ku jirin in qeyb bulshada kamida dadka kale uga dhawayd, ugana daryeel iyo naxariis badnayd. Ugaarta waxaa loo ...
Read More »Baxaalliga Maroodiga!!
Qeybtii 1aad; Bahal nafleyda dhulka ku nool oo dhan ugu weyn. Wuxuu leeyahay harag adag oo qiro weyn; gacan dheer oo uu wax kasta ku sameysan karo iyo laba ganood oo dheerdheer oo qalka kore ka baxa oo qaali ah. Maroodigu waa laba jaad—mid waaweyn oo Afrikada hodanka ah jooga iyo mid in-door ah ka yar oo Hindiya ku nool; ...
Read More »Ugaarteennii MEE?! AAWAY?!
Qeybtii 1aad; Maanso Howl-maalmeedka Ugaadhsiga: “Hoobeey Hoobaaligaayeey. Maad booddo gaabnayno. Waad baxsan lahaydee. Wiil soo biyaystiyo, Beydar baa ku beegsaday”. Ugaadhu, inkasta oo ay maanta dabargo’ ku dhowdahay—intii ka noolaydna la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, hadana waxaa marag madoonta ah in dalkeenu beri hodan ku ahaan jiray. Dabar go’a Ugaadha wuxuu la xiriiraa waxyaabo badan oo ay ...
Read More »Baydhabo mise Barisamo!!
Qeybtii 5aad; Dhalinta soo koraysa ayaa helaya kaalintii waxbarashada iyo shaqada. Waa waxbarashadee, ilaa heer jaamacad ayaa laga helaa Baydhabo oo dhankii tacliinta waa laga haqab-tiray. Walow dhalinta qaarkeed ay u kaceen Xamar iyo dalal kale. Dharka siman ee Iskuullada oo ay ku hagoogan yihiin dhalinta; Hablo iyo inamo ayay dhaayuhu soo jiidanayaan. Kuwa gaadiid lagu galbinayo iyo kuwo gomodyadooda ...
Read More »