crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2019 | HimiloNetwork

Monthly Archives: September 2019

Maxaa xadka laba dal looga dhisay Siisaw lagu ciyaaro?!

MEXICO (HN) — Laba barafeesar oo California jooga ayaa xadka labada dal ee Mexico-US waxay ka dhiseen siisaw – dadaal ay ku doonayaan inay ku wiiqaan qorshaha Donald Trump uu ku doonayo inuu xadka labada dal kaga dhiso gidaar dhererkiisu yahay 2,000 mile. Siisawga oo laga sameeyey xadka labada magaalo ee New Mexico iyo Ciudad Juarez, ayaa carruurta iyo dadka ...

Read More »

Qolal lagu cabo Sigaarka oo laga dhex sameynayo Dhismayaasha Wasaaradaha Sucuudiga.

RIYAD (HN) — Wasaaradda Caafimaadka Sucuudiga, oo dagaal weyn ku iclaameysay sigaar cabista, ayaa qorsheynaysa inay dhisto qolal goonni ah oo lagu dhex nuugo sigaarka gudaha xarumaha waaweyn. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay quuddareynayso dhismaha qolal saddex mitir midkiiba la’eg yahay oo kuwa caba sigaarka ay ku dhex nuugi karaan. Waxaana loo dhisayaa si ku filan ...

Read More »

Wixii aan kusoo arkay Xajka iyo Waaya’aragnimadayda!

MUQDISHO (HN) — Waaya’aragnimadayda Xajka waa qiso aniga igu saabsan. Laakiin dhammaadkeedu waxay ku saabsan tahay adiga! Mid kamid ah duullimaadyadii iigu weynaa iyo safarkaygii koowaad oo aan ku aado dibadda, waxaa Eebbe i waafajiyay inuu noqdo midkii aan ku tagi lahaa Gurigiisa – anigoo Xaaji ah. Dhowr jeer oo flight-kii aan ku qornaa uu iga baaqday kaddib, waxaa ugu ...

Read More »

Maxaa nin-aan-Muslim aheyn ku qaaday inuu kobaha si fiican ugu dhigo Muslimiinta Majisda al-Mawaddah?!

MUQDISHO (HN) — Nin aan Muslim ahayn oo la yiraahdo Uncle Steven ayaa afaafka hore ee Masjidka al-Mawaddah waxaa la arkaa isaga oo isku hagaajinaya kobaha ay bannaanka uga tagaan Muslimiin xilliyada ay ku jiraan salaadaha. Qof kasoo duubay muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa sheegay in ninkani uu sidaan sameeyo toddobaad kasta marka ay Muslimiintu ku jiraan Masjidka. Wuxuu ...

Read More »

Nin si xeeladaysan iskaga furay xaaskiisa – iyada oo aan ogeyn!

MUQDISHO (HN) — Booliska ayaa ku daba jira baadi-goobka nin la sheegay inuu furay xaaskiisa ogaal la’aanteeda. Mana dhicin inuu marna la socodsiiyo inuu furayo. Paul Nixon, oo 51 jir ah, wuxuu si xeeladeysan usoo xaday saxiixa xaaskiisa isaga oo kusoo dhigay warqadda codsiga kala-taga lammaanaha. Wuxuuna Maxkamadda ka dhaadhiciyay inay heshiis ku yihiin inay kala tagaan. Maadama laba saxiix ...

Read More »

Burkiyeerkii ugu horreeyey oo Islaami ah oo laga furay Tokyo.

TOKYO (HN) — Xarun burkiyeer cusub oo Islaami ah tii ugu horreysay ayaa lagu furay caasimadda Tokyo taas bixin doonta adeeg ku saleysan Shareecada oo loogu adeegi doono gabdhaha Muslimaadka ah ee doonaya inay helaan meel ay isku qurxiyaan, sida laga soo xigtay The Asahi Shimbuni. “Adeegani waa mid fariid ah, wuxuuna ku siinaya dareenka bogsasho ah,” Dhyah, oo 24 ...

Read More »

Muslim $2,000 dib ugu celiyay qofkii lahaa oo diiday in la abaal-mariyo.

ROMA (HN) — Da’yar u dhashay dalka Bangladesh oo dukaan dharka lagu iibiyo ku leh magaalada Roma ayaa lagu bogaadiyay daacadnimadiisa kaddib markii uu dib u celiyay lacag $2,000 – iskana diiday inuu qaato lacag baadi-fur ahaan lagu abaal-marin rabay, sida laga soo xigtay IimFeed. Mossan Rasal wuxuu usii jeeday shaqadiisa markii uu jidka ka helay boorso lacag ay ku ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!