MUQDISHO (HN) — Kaddib afar sanno oo ay kala dhumeen qofkii lahaa, ey baadi ah oo ku nool Thailand ayaa dib ula midoobaya saaxiibkiisa.
Sheekada Eygan la yiraahdo Leo oo goob is-goys ah muddo 4 sano ah ku sugi jiray saaxiibkii lahaa ayaa ku baahday baraha bulshada kaddib adeegsade facebook uu ka qaaday sawiro dhowr ah.
Qoraal la socday sawirada ayuu ku sheegay in eygan uu maalin walba soo fariisto halkan sida inuu qof ka lumay. Kolkii hore waxaa la moodayay in eygan yahay mid la deyriyay. Wuxuuse wali u muuqday mid muuqaal ahaan ifaya.
Waxaa loo sheegay in haweeney ay si joogto ah cunto ugu keeni jirtay halkan – isagana uusan marnaba ka tagin bartiisa afartii sanno ee lasoo dhaafay.
Ugu danbeyntii, Nang Noi, oo 64 jir ah, ayaa ogaatay inuu yahay isla eygii afar sano uga lumay waddada. Durba waxay usoo qaadatay gaarigeeda si ay ula kulanto. Markii uu si kastaba indhaha ku dhiftay wuxuu dareemay inuu helay qofkiisii.
Noi waxay sheegtay inay qiirootay markii loo sheegay in eygeeda uu afar sanno ku sugi jiray isla goobtii ay kaga tagtay.
Qisada eygan ayaa ku baahday baraha bulshada dalkaas iyo qaaradda Asiya qeyb kamid ah.
You must log in to post a comment.