crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaa nin-aan-Muslim aheyn ku qaaday inuu kobaha si fiican ugu dhigo Muslimiinta Majisda al-Mawaddah?! | HimiloNetwork

Maxaa nin-aan-Muslim aheyn ku qaaday inuu kobaha si fiican ugu dhigo Muslimiinta Majisda al-Mawaddah?!

MUQDISHO (HN) — Nin aan Muslim ahayn oo la yiraahdo Uncle Steven ayaa afaafka hore ee Masjidka al-Mawaddah waxaa la arkaa isaga oo isku hagaajinaya kobaha ay bannaanka uga tagaan Muslimiin xilliyada ay ku jiraan salaadaha.

Qof kasoo duubay muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa sheegay in ninkani uu sidaan sameeyo toddobaad kasta marka ay Muslimiintu ku jiraan Masjidka.

Wuxuu mid-mid iskugu aadiyaa kobaha is leh, wuxuuna u dhigaa saf qurxan.

Mar la weydiiyay sababta uu sidaas u sameeyo, wuxuu ku jawaabay: “Waayo si qurxan uma habeysna, marka waxaan u dhigayaa si fiican oo soo jiidasho leh.”

Tallaabada ninkan ayaa taabatay qalbiyada dad badan oo Muslimiin ah.

Waxaa ayaan-darro ah in masaajid badan ay si aan mas’uuliyad laheyn afaafkooda hore sida qashin loogu tubo kobaha – beddelkii qof walba uu si nidaamsan u dhigan lahaa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!